Maqaal: NUURKU INTUUSAN IMAN KAHOR DUNIDA WAXAA KA JIRAY 4.5

Posted Date: 21 Jan 2016   in: Maqaalo     Comments Comments

War wayn ayuu xanbaar san yahay maqaalkani,sidaa daraadeed waan sookoobay si aadan uuga wahsan akhris dheer. waxaa ka jiray caalamka guud ahaan dhaqamo aad u fool xun oo ahaa in laysu dilo qabiil,lays dhaco,lays xaqiro,lays yaso,qabiil ku duulo qabiilka kale lays gumaado,xukun iyo nidaam la diido,lagu noolaado nidaam daro iyo fawdo joogta ah iyo qabyaalad kaliya  kahor 1437 dii hijriyada.Jaahilnimadaas iyo mugdigaas waxaa aadamuhu ka baxay oo ka xoroobay markii uu yimid nuurkii ilaahay waa diinka ee oo uu noosoo diray nabigeena muxamed scw iyo kitaab. markaa waxaa bilaabantay in dadku ka baxo mugdigii oo ubaxo iftiin dhanka kale dadku kabaxo jaahilnamadii oo u baxo cilmi iyo aqoon uu ku noolaado iskuna maamulo.

xiligaa mugdiga ah ee mudada dheer laga joogo,dadku waxay ahaa yeen kuwo ku dhaqma tusaale ahaan labadii wada dhalatay kii wiilashiisu kabadan yihiin kan kale waxa uu ka dhacyaa waxa uu haysto,taladana isagaa maroorsan,qabiilkii tira yar marka qabiilooyinku qaybsanayaan xoolaha lasoo dhaco oo hab qabiil lagu qaysanayo iyaga laguma dari jirin tirada oo waxaa la oran jiray badh baatihiin matihiin qabiil buuxa halkaasay ku qadi jireen waxaana sidaa ugalay habqaybsiga 4.5 xiligaas!!!

Inagu na nihin umad diin laawayaal ah oo soomaaliya waxay diinta qaadatay sida ku cad taariikhda nabiga oo nool oo aysan gaarin maagaalooyin ku yaal sacuudiga dhexdiisa,maxaayeelay Asxaabadii rasuulku waxay yimaadeen geeska afrika xili hore waxaana dadka qaar qabaan inay saylac kasoo dageen markay yimaadeen ardul xabash.halkaa waxaad ka garan kartaa in aysan diini inagu yarayn. waxaa intaa dheer waxaynu ahayn dad waligoodba isa soo xukumi jiray hadana kamid ahaa dadkii ama dalalkii afrika uugu hor xoroobay oo waa naqaan nidaam dawladeed iyo ismaamul intaba. waxaa yaab ah,oo ama kaag ah in 1437 dii halkii la joogay aynu maanta joogno!!!

 

Waxaa jirta in boqorkii Eithiopia uu shirkii baarliin ee 1884 tii lagu qaybsanayay soomaaliya,uugeeyay fikir ah in uusan jirin qaran soomaaliyeed oo dawlad noqon kara balse waxaa jira beelo ama qabiilooyin soomaaliyeed oo ah Eithiopia kamid ah raaciyadayda,sidaa daraadeed ma orankartaan qaran soomaaliyeed. iyaguna waxay la hayeen sideen u qaybsanaa qaranka soomaaliyeed. waxaad moodaa inuu ogaa ninka maanta leh 4.5 ayaan rabaa!!!  kasma xumada iyo maskaxda la nool boqolaal sanadood mugdigii aadamuhu ka soogudbay gaal iyo islaamba ayaa sababi karta mugdi ha dheeyay jiritaanka iyo madax banaanida qaranka soomaaliyeed. tani waxay argagax iyo anfariir iyo uurku taalo galisay wadaniga soomaaliyeed iyo dawladaha aduunka ee horumaray kuna jira casrigii ilbaxnimada iyo hormarka aqoonta aadimigu heer ka gaaray. dhab ahaan waa cabsi in uu jira caalamka maanta bashar sidan u fikiraya oo intaa dib dhacsan oo la nool xiligaa mugdiga ahaa.

Taariikh ayaa qormaysa maanta,hadaad sikasta u wareegto ood u baadho una raacdayso kama helaysid maktabadaha caalamka oo dhan  galo iyo islaamba hab dawladnimo oo dal lagu maamulo oo qoran oo buug la raaco leh oo ah dawlad qabiil majiro mana helaysid ma helaysid 4.5 laakiinse waxaad helaysa nidaamyo dal lagu maamulo oo leh hab laraaco sida diin,dimuqradi,shuuci ama boqortooyo.

Waxan xasuustay marmasuuliyiin uu kamid ahaaTommy Franks   iyo Genaraal maraykan ahi ay 2003 dii shir u qabteen dadka ciraaq oo ku kulmiyeen meel u jirta ciraaq 275 kiilomitir,waxay kulmiyeen dadkii oo u sheegeen in ay u dhisayaan dawlad ku dhisan in qabiil walba dad laga soo xulo oo sidaa dawlad lagu dhiso ku dhisan qabiil!! dadkii reer ciraaq ayaa kuligood iswada eegay! kadibna waxaa dadkii ka soo dhex istaagay oday reer miyi ah oo markaa ahaa dadka meesha fadhiyay ninka uugu aqoonta yar oo waliba iska ahaa reer miyi. waxa uu yiri halayga turjumo inaan u jawaabaan rabaa Genaraalka maraykan ka ah ee warkan noo sheegay. waxa uuyiri dalkaagu imasa sano ayuu dawlad ahaa? waxa uu yiri 300 oo sano. wuxuu yiri hadaba ciraaq waxay dawlad tahay 630 sanadood oo intaa dawladba dawlad badalaysay oo is xukumaynay inagoonba ka hadal taariikhda fog,kol haday sidaa tahay ogoow in taariikhda ciraaq aysan soomarin qabiil dawlad lagu qaybsado oo lagu dhisto waligeed markaa anga noo sheegi maysid sida dawlad loo dhiso kadibna laysu maamulo. Genaraalki maraykan oo dhidad san ayaa halkii ka dhaqaaqay isagoon eray soo celinin. waa taariikh qoran oo cad oo lawada ogyahay.bal dadkaasi siday u dhisan yihiin arag.

Dadka wata 4.5 maxaa cadayn ah oo ay u hayaan inay tahay cadaalad iyo sinaan,simaysa soomaali oo dan u ah? tusaale ma waxay leeyihiin beesha direed oo lasiiyay 61 xubnood iyo beesha raxan wayn baa siman oo iyana lasiiyay 61 xubnood,dhanka kale ma waxaa siman beesha daarood iyo tan hawiye oo mid walba lasiiyay 61 xubnood mise waxaa jira beel aan iyagu uba qalmin sad buuxa waayo waa haaf ama badh oo waa in lasiiyaa 30 xubnood.hadaba sidan miyaa cadaalad ah aqli ah soomaali u cuntami karta? hadaad leedahay ninka haafka ahi waa tiro yar yahay oo waa laga badan yahay isaga waa hagaage dir waa kabadan tahay raxan wayn ee maxaad isku si wax uugu siisay? saw maha in dir loo badiyo? dhanka kale waxan aad keenteen ee ah 4.5 xataa idinkii keenay ayaan aqoonba u lahayn oo garanayninba qabiilooyinka soomaaliyeed iyo siday u kala badan yihiin.waxaad keenteen waxaydaan garanayn soomaalina garanayn aduunkuna garanayn.

Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin dhulka soomaaliyeed qof aan tuulo,ama dagmo ama gobol aan daganayn majiro oo soomaali ah soomaaliya.hadii tuuladaan daganaa,dagmadaan daganaa,gobokaan daganaa ay soomaali wax la qaybsanayaan oo kamid noqonayaan maamul ahaan,difaac ahaan,dhaqaale ahaan,wadan ahaan maxaan ku diidayaa? dhulbaa la difaacaa oo loo dhintaaye maxaan difaacaa hadii qabiil laga hadlayo oo qaranba jirin?anigu isma lahayn waxaa jira dad soomaaliyeed oo dalkooda ka door bidaya qabiil inay dhaafsadaan oo dalka iyo diintaba qabiilku kala wayn yahay ilaa xadkaa isma lahayn maanta kahor.

 

Gunaanad

Aduunka maanta ceeb iyo calool xumaa utaal soomaali,caalamkii oo dhan baa yaaban dad la nool wax laga tagay qarniyaal iyo facyaal badan oo tagay ayaa soomaali haysataa oo wali ku doodayaan,oo ay dawlad u dhisan layihiin mudo 25 sanadood ah.waa yax yax iyo fadeexo qabiil baan rabaa ee dawlad marabo iyo dal waa qashiinimo iyo badawnimo tii u danbaysay weeye.anigu ma jecli in dadkamid ah dadka soomaaliyeed inay ka takoormaan,umada inteeda kale oo gabadhoodu guur beesho ayadoo looga cararayo gunimo facwayn iyo amarkan ay la yimaadeen ee ah 4.5 waa barta ay ka dhalato takoorka iyo gunimadu ogaada.waxay ilatahay in umada soomaaliyeed aan layska dhexsaarin oo shaabad aan waligeed harayn laysku dhigin.ayadoon umada qarniyaal dib loo celin oo waxaan suuro gal ahayn loo keenin ayaa le heli karaa in aynu dawladnimadeena ku dhisano hab ina deeqa kuligeen oo ah nidaamkaas caalamkuba kuwda yahay dawladaha.waa maxay cawaanimadu? waxaan u rajaynayaa walaaladay inay is daba qabtaan oo aysan ka hor imaan ilbaxnimada iyo hormarka soomaaliyeed iyo caalamkaba. in aysan la dagaalamin cilmiga,aqoonta,dhaqanka suuban,ilbaxnimada iyo wadaniyada ama hanaanka dawladnimo iyo kala danbaynta. qaar badan oo kamid ah qabiilka soomaaliyeed ee u keenay soomaaliya 4.5 hadana kuba doodaya in lagu sii jiro oo aan dawladnimaba loo gudbin waxaa kamid ah kuwo laleeyahay waxay ka soobeexeen jaamcad oo aqoon sare ayay leeyihiin,markaan sidaa maqlo waa farxaa waayo waa dadkaygii balse markaan arko in ayba garwadeen kayihiin in soomaaliya 4.5 lagu hayo ayaan iraahdaa aqoon kaa reebi waysay casri jaahiliyadii iyo zamankii mugdiga oo ku tusi waysay xumaanta qabiilka taa aqoon lama oran karo qofkaasina wali maha qaan gaar xaga garaadka iyo fahanka. ninka cilmiga lihi bulshada mugdiguu kasaaraa cilmiguu dhadhamiyaa oo macaan sadaa kamana horyimaado hormarka iyo ilbaxnimada badalkeeda waxa uu jecel yahay wax cusub barashadiis iyo tiigsiga hormarka nolasha.

Waxaan kusoo koobay warmiyaan qoomkaan laga helayn nin wax garta?? basharaadka aduunka bashar ilaahay uumay basharkii uugu kasmada xumaa ayaa ah qayb kamid ah umada soomaaliyeed waana nasiib daro.waxaanaanse yeelayn anagoo ah shacabka soomaaliyeed ee iska leh dhulkaan hodan ka ah in 4.5 nalagu sheego iyo dhaqan xiliyadii dadku qaawanaayeen oo aan dhar la qaadan jirin cawaanta la ahaa in aan 2016 nalagu sheego waxaan aqbalayno maha waana ka dagaalamaynaa oo la diriraynaa waxaas qurunka ah oo foosha xun oo aan u qalmin soomaaliya.abadan marna mayeelayno waa dagaalamaynaa oo u dhimanaynaa dhulkeena hooyo naftaan huraynaa gobonimo ayaan ku dhimanaynaa,kafara waxay rabaan in soomaaliya caruurteeda mustaqbalka ay waligodba jiilba jiil ka dhaxlo qabiil iyo 4.5 oo waligeedba aan lagaarin soomaalinimo iyo sharaf. s.y.l waxay ahaayeen dhalinyaro soomaaliyeed oo walaalo ah wadaniyiin ah ma ahayn 4.5 xasuuso waligaa kana fakar inbadan hadalkan NUURKU INTUUSAN IMAN KAHOR DUNIDA WAXAA KA JIRAY 4.5

 

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

Allidamaale