Maqaal: Qalalaasaha khaliijka  iyo qasaaraha uu keenni karo!

Posted Date: 29 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Quwadaha muslimiinta ama dawladdaha muslamiinta  intoota badan waxay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan Jamhada  xuutiyiinta ee dalka Yemam qabsatay kana saartay  madaxweynihii dalkaas Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Tageeradda ay helayaan Jamhada Xuutiyiinta
Jamhada xuutiyiinta  oo ah  shiico  waxaa gadaal kariixaya Iran oo ah wadan  shiico ah tageertana  ururadda hubaysan ee Shiicada    Iran waa  wadan haysta hubka culus  sidookale  Iran waxay  is hayaan  Reer galbeedka iyo boqortooyada Sucuudiga  oo hormuud ka ah  hawlgalka lagu qaaday   jamahada  Xuutiyiinta.

Dawladdaha  Turkish,  Pakistan, Masar Maroco iyo Qadar ayaa   diyaar garoow  ku jira siday  ciidamo u gayn lahayeen dalka  Yemen   sidookale  boqortooyadda  Sacuudiga  ayaa  mar horeba  weerartay jamhada  Xuutiyiinta,,  Iran iyo Suuriya  ayaa  ka soo hor jeedtay daggaalka lagu qaaday jamhada xuutiyiinta.

Waxaa sidookale isku ciil qaba oo daggaal  qabow uu ka dhexeyaa  dalka  hubka culus haysta ee  Iran) iyo dalka dhaqaalaha  fiican haysta ee Sucuudiga waxaana aad  looga shaki qabaa  in daggaal xoogan uu kadhex qarxo  labo garab oo ay kala Hogaaminayaan Sucuudi Carabiya  iyo Iran  waa haddii  uusan talin aqliga saliimka.

Haddii  daggaal ka  qarxo waddamadaas  muslimiinta  waxaa  dusha  ka fiirsan doona   Reer Galbeedka   waxayna samayn doonaan    inay  labada dhinacba dhiiri galiyaan waayo  Reer Galbeedku  ma doonayaan  xasiloonida  iyo  quwada  muslimka  waxaana wili war ka soo bixin Ruushka iyo shiinaha oo  ka mida  quwadaha adduunka ka jira.

Waxaa   laga yabaa  haddii  waddamada Reer Galbeeku ay tageeraan xulufada  ama isbahaysiga  Sucuudigu hogaaminaayo in Iran si  tuusa  daggaalka   u gasho ayada  oo  weerari doonta Sucuudiga  waxaase  ka dhalan kara taas  dhibaato weyn oo soo gaarta jasiirada carabta.

Haddiise  daggaal ka dhex  qarxo khaliijka  iyo Iran waxaa cirka isku shareeri doona ama qaali yoobi doona qiymaha shidaalka  waayo  shidaalk  ugu badan  ee Reer Galbeedku isticmaalo waxaa soo saara  dawladdaha khaliijka  haddiise  daggaal qarxo  saamayn ayuu  yeelan doona shidaalkaas  wuuna qaali yoobi doona  waxaana laga yaaba  in Dawladdaha Reer Galbeedku  gacan ka  geystan  is fahan  laga gaaro  xasarada  bariga dhex     ayagoo ka eegaya maslaxadooda.

Dhanka geeska Africa  wuxuu  daggaalkaas ku yeelan doono  saamayn weyn waayo  Soomaliya iyo Jabuuti  waxay aad  ugu xiran yihiin  waddamada  khaliijka  haddii ay noqon lahayd  ganacsi iyo  xiriir kaleba  waxaa  sidookale   jaanis  helaya kooxda Alshabaab oo laga yaabo inay hub  iyo dhaqdhaaqba  ka  hesho   dhinaca Yemen..

Ugu dambayntiina   daggaal ka qarxa  bariga dhexe     wuxuu  faa‘ iido u yahay  kooxaha hubaysan ee  xagjirka  waxayna heli doonaan   hub iyo fursado ay ku  geystaan  weeraro  xad dhaafa  dhiig badana ku daato  sidookale  waxay fursad u tahay   Kooxda Sheegtay Dawladda Islaamka ee Daacisha  oo  ka faa ‘iidaysan doona  qalalaase  ka dhaca bariga dhexe..

Cabdinuur Faarax
Falanqeeye  arrimaha caalamka

Wxaaa  qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud
guuleed72@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7