Maqaal:- Shiico iyo afkarta laga Aaminsanyahay inay gaalo yihiin iyo mawqifka Suniyiinta ay geeyeen Shiicada.

Posted Date: 09 Jul 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Taariikhda Shiicadu ma,aha mid Qarsoon lakiin Dadka Somaaliyeed Way ka Qarsooneed, Shiicada waxaa Magacaas loogu bixiyay Waxay Diideen Oo Lacnadeen Abuubar, Cumar,Caa,isha, Asxaabta o Dhan Marka laga Reebo Lix Asxaabi oo uu kamid yahay Cali Binu Abii Dhaalib.

Waxay Rumaysanyihiin in Dhamaan Asxaabta oo Dhan inay gaalobeen Marka laga Reebo Lix Asxaabi, Allah aka Raali Noqdee Cumar binu khataab waxaa Tooreey ku muday oo dilay Nin Iraani Majuusi ahaa oo la dhihi jiray Abuu Lu’lu’a Al Majuuzi.

Shiicadu waxay Ninkaas Majuuska ah Oo Dilay Cumar ubixiyeen (بابا شجاع الدين) oo Soomali ahaan Noqonaysa ( Geesigii Waynaa Ee U gargaaray Diinta), Kadib Markii udilay Allah aka Raali Noqdee Cumar binu khataab.

Shiicada iyo Suniga Waxaa ka dhaxeeya Dagaal Midba midka kale ma arki karo oo waxa uu ku tilmaama in uu Gaal Yahay Intaas waxaa dheer in kii laga Tira badanyahay loo gaysto Gumaad, inay xiraan oo xabsi ku hilmaamaan, inay dilaan.

Dhanka Salaad waxay aad uga Duwantahay Salaadda ay Tukadaan dadka Suniga ah, Markaad Aragto Nin Shiiciya oo Salaad Tukanaya Waxaad arkaysaa Isaga oo Dhagax yar ku Sujuudaya,Waxay Aaminsanyihiin In Dhulka Oo Dhan uu yahay Najaas Maadaama uu ku daatay dhiiga Imaam Xusseen Alla Ha,unaxariiiste, Sidoo kale Waxay Aaminsanyihiin In Kitaabka Qur’aanka Kariimka uusan ahayn Mid Sax ah, Waxay haystaan Kitaab gaar ah kaas oo looyaqaan Musxaf Faatima.

Diinteena Suuban Ee Islamka Meelna laguma sheegin laguma Xusin in Qof Bini,aadan ah lagu Tilmaamo in u yahay Ehlu Naar, Xataa haduu Faraha kula Jiro Falal Qofkaas uu ku gaaloobayo waxaa Adi kuu wanaagsan Inaad Tiraahdo Allow soo hanuuni Qofkaas Xaqana tusi.

Shiicada Firqada Ugu Caansan waxaa la dhahaa “ Isnaa Cashariya” Carabi ahaan waxay Noqonaysaa “الاثنا عشرية”, Kooxdan waxay hada ka Jirtaa wado badan Oo ay kamidyihiin Iiraan,Ciraaq Iyo Lubnaan waana Wadamada ay aadka Ugu Badanyihiin Xiligan aan Hada Joogno.

Haddii aan ka hadlo farqiga u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga, shiicadu waxa ay sheeganaysaa in ay ku abtirsato Cali Binu Abii Dhaalib radiyallaahu canhu Cali waxa uu xidid la ahaa Nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam waxa uu qabay Gabadhiisa Faadumo Bintu Rasuul Radiyallaahu canhaa.

Rasuulkeena Muxamed Calayhi Salaam ayaa sheegay in uu khaliif noqondoono markii uu dhinto kadib waxa uu yiri: (Cali iyo wiilashiisu kow iyo tobanka ah ninba ninka ka danbeeya ayaa khaliifada la wareegi doona), sidaa darteed waxay aaminsanyihiin oo hadana umalaynayaan Xaqqu in uu la jiro Shiicada maadaama ay madax kadhigteen Cali iyo labadiisa wiil oo kala ah Xasan iyo Xuseen.

Taariikhda Islaamku waxa ay cadaynaysaa in Cali in uu ahaa nin leh Tilmaamo aad u sareeya Oo uu ku mutaystay madaxtinimada,lamana

Fududeysan, Xasan iyo Xuseen waa laba imaam arintaasna Ahlu Sunnuhu ma diidana.

Ahlu Sunnuhu waxa ay leeyihiin muslimiintu waxaa ay maslaxad u arkeen in khilaafada uu qabto abuu Bakar kadibna Cumar kadibna Cusmaan kadibna Cali uu noqdo ninka 4aad, sidaa darteed Ahlu Sunnuhu waxa ay jabiyeen amarkii Rasuulka maxaa yeelay waxa ay madax ka dhigteen Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan Cali oo jooga, sidaas ayay isku khilaafsanyihiin Shiicada iyo Sunnigu.

Ninkii la oran jiray Cabdulaahi Binu Saba ee Yahuudiga ahaa ayaa waxa uu ka dhex abuuray muslimiinta cadaawad asxaabta rasuulka qeyb

kamid ah ayaa waxa uu ku tilmaamay gaalo ra’yigaas waxa ku kalsoonaday oo qaatay Shiicada balse Ahlu Sunnadu waa ay ku diidaydeen oo ay jeclaadeen Asxaabta Rasuulka iyo Sunnada Nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam.

Afkaarta Dadka Shicada Ay Aaminsanyihiin

Hadaan Isku dayo inaan wax ka sheego waxyaabaha ay Aaminsanyihiin Dadka Shiicada Oo ay kaga Duwanyihiin dadka Sunigaa waxaaa kamida:-

A. In Cali Binu Abii Dhaalib (RC) uu Xaq ulahaa Khaliifada lagana Xoogay.

B. Waxay Aaminsanyihiin in Kitaabka Qur’aanka Kariimka uusan ahayn Mid Saxa kaas Badalkiisana waxay Isticmaalaan Musxaf Faatima.

C. Markay Ashahaadanayaan waxay Ashahaataan Shan Ashahaado Halka SUnigungu uu ashahaato Laba Shahaado.

D. Sidoo Kale waxay Aaminsanyihiin in Dhulka Oo Dhan uu yahay Mid Najaasa maadaama uu ku datay Dhiigii Xusseen Ibnu Calia(RC).

E. Waxay Aaminsanyihiin in Dhamaan Dawladdihii Islaamka ahaa Ee Somaray Dunida Islaamka Haday ahaan Lahayn Dawladdi Khulafaa.u Al-Raashidii, Umawiyiintii, Cabaasiyiintii, Ayuubiyiintii, Ma maalikti, Cusmaaniyiintii Iyo Dhamaan Dawladdihii kale in ay ahaayeen ku Suniyiina Oo aan lahayn Dad Shiica Ah Sidaasna ay Tahayb Mid Lunsan hada Dulmi wata.

Hadaan Is dhaho waxaad ka sheegaysaa Afkaarta ay Aaminsanyihiin Dadka Shiicada Runtii Ma,aha mid la soo koobi karo waayo waa dad Qofkii arka Afkaarto iyo waxay Aaminsanyihiin Isla Markiba waxaa ku so dhacay in ay Dadkaasi yihiin dad Gaalo ah.

Inkasto Dadka Shicada la dhao laguna Tilmaamo inay yihin dad Gaalo ah hadana waxaad Moodaa in ay dadka Suniga ay kaga Rooyihin Meelaha Qaarkod Sida Naf ladilo ama Qof la xanto markii lo eego iyaga Dhexdooda.

Waxaan layaabay Intaas Xogbaaristan aan ku jiray Meelo Badan oo ku saabsan labada Kooxood Waa Suniga iyo Shiicada waxaad Moodaa in labaduba in ay Aad uga Tageen Qaar kamida Hadaladii Nabigeena Muxamed NNKH, Waxaana kamida Hadaladaas:-

A. Nabi Muxamed NNKH waxa Uu Yiri Qofna yuusan Qofka kale ku tilmaamin in uu yahay Ehlu Naar, Hadana labada Kooxood midba midka kale waxa uu ku tilmaamay in uu Ehlu Naar yahay.

B. Dinteena Suuban ee Islaamka waxay naga Xaaramtiyaysay in aan Dilno Qof Bini,aadam ah Ilaa sadex Waxyaabood Maahee Sadexdaas oo kala ah Qofkii Qof Dila, Qofkii Sinaysta iyo Qofkii Jamaacada ka Baxa, Balse labadan Kooxoodba intaas Way ka Fogyihiin.

Runtii labadan Qodob waxay ila noqdeen layaab Dad Sheeganaya Islaam Hadana Dad ku Tilmaamaya Ehlu Naar taasna waa waxaan laga Filayn Qof Muslima, Intaas waxaa dheer waxaa labanaystay Dhiigii Bini,aadamka Waxaa wax laga sheegaya oo la xamanaya Q of Muslima Taasna ma jirto meel lagu Baneeyay oo lagu sheegay Diinteena Ialaamka ma jirto.

Waxa aad ogaataan doodaha iyo khilaafaadka in uu yahay mid dabiici ah

binu aadamka dhexdiisa laga soo bilaabo markii uu Allahu Tacaalaa abuuray haabiil iyo Qaabiil oo ahaa labadii Cunug uu Dhalay Nabi Aadam(CS).

Rasuulkeena Suuban Ee Muxamed NNKH waxa uu yiri (Hadaad Noolaataan gadaashay waxaad la kulmaysaan Fitnooyin BAdan Waxaan Dhexdiina Uga Tegey Laba Culculus Oo Ah Kitaabka Quraanka Iyo Sunadeyda) mana uu san oran “Waxan idinkaga tagay kitaabka, sunnada, saxaabada iyo a’imada afarta ah’.

Dhimashadii Nabi Muxamed NNKH waxaa Dunida Islaamka ka soo Ifbaxay Kooxo Fara Badan kuwaas oo Sheeganaya Islaam hadana Gaal ku tilmaamaya Qof Sheeganaya Islaam.

Taasna waxay keentay In Dhamaan dadkii Muslimiinta ahaa ay kala Tagaan Khilaafna Uu dhexdooda ka Aloosma, Khilaafkaasna waxa uu Noqday Mid ay ka faa,idaystaan Dadka aan Muslimiinta Ahayn Sida Yahuuda iyo Wixii Soo Raaca.

Yahuuda iyo Cidii soo raacda waxay Aaaminsanyihiin hadii ay midoobaan dhamaan Dalalka Islaamka in aysan Jirin Cid ka adkaan karta Balse hadii ay kala Tagsanyihin in Si Fudud looga Guulaysan karo.

قال الله تعالى:-

( لتجدنّ أشّدّ النّاس عداوة للّذين آمنوا اليهود والّذين أشركوا و لتجدنّ أقربهم مودّةَ للّذين آمنوا ألّذين قالوا إنّا نصارى ذالك بأنّ منهم قسّيسين ورهباناَ وأنهم لا يستكبرون) سورة المائدة الاية 82

Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa qur’aankiisu kariimka waxa uu ku leeyahay:- (Waxaad Helaysa Dadka kuwa ugu daran Cadawnima kuwii Rumeeyay Yahuuda Iyo kuwa Ilaah Wax lawadaajiya, Waad Heli Oo waad heli Dadka kuwa ugu dhawaansho Badan Xagga Jacaylka Kuwii la jeclaado Rumeeyay kuwa ugu dhawaansho Badan inay yihiin baad ogaanaysaa Kuwii Yiri Anagu waxaan nahay Nasaaro Waayo waxaa ku Jira Baadariyaal Iyo Culumo aan Kibrayn.) Suurtu Al-ma’ida Aayada 82.

W/Q:- Siciid Mahad Maxamed

Gmail:- Saidmahad10@gmail.com

Bosaso,Puntland, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7