Sheeko: Warqad Ka Timi Qalbi Wax Jecel

Posted Date: 28 May 2015   in: Madadaalo     0 Comments

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Konton jeer ka badan ayaan qalinka iyo warqadda isa saaray, markasta waxaan is iraahdo, qor, waxay ila noqdaan waxaan wadnahaygu kuu quurin inuu ku yiraahdo. Xaqiiqdii waxaan  ka dhex waayey luqadda aan aqaan qoraal qeexi kara baahida aan kuu qabo baaxadda ay le egtahay… Waxaa intaas iisii raacay oo igu kallifayey inaan konton jeer jeex jeexo warqadahaas, waxaan aamini kari waayey inay qaadi karaan waxyaabaha naftaydu doonayso inay kuu sheegto.

Markaan dhowr jeexaba waxaan usoo jihaystaa dhanka aad iga jirto anigoo is leh afka uga sheeg, xoogaa markaan usoo jirsado guriga ehelka sharafta badan ee ku dhalay ay kugu soo barbaarsheen, ayaan is dhex yaacaa oo maskaxdayda iyo qalbigaygu ku murmaan kalmadaha aan xulan lahaa inaan kugu iraahdo…. Sidaas ku dheh, maya haku oran way ka qiima badan tahay sidaas, haddaba sidaan ku dheh, maya sidaasna way ka qiima badan tahay ayeey ku hardamaan maskaxdayda iyo qalbigaygu… Hadaladaas intaan iskula sheekaysanayo hadba waan sii socdaa marna soo socdaa, mararka qaarna waxaa dhacda in lay istaajiyo inta layga shakiyo inaan tuug ahay markii ay la yaabaan noqnoqo-shadayda.

Maalin ayaa lay istaajiyey oo lay waydiiyey waxaan meesha ka qabto oo aan hadba ugusoo noqnoqonayo… Markii ay i yiraahdeen magacaa oo maxaad ahayd, ayaan anigoon is ogayn waxaan sheegtay magacaaga, way igu qosleen, markay igu qosleen ayaan ayaan bilaabay hadaaq oo iri… Waxaan ahay naf gaajaysan oo aan cunta u baahnayn… Waxaan ahay naf haraadan oo aan biyo u baahnayn… Waxaan ahay naf xanuunsan oo aan dawo u baahnayn.

Waxaan ahay naf ilmadu buuxisoo oo aan ooyi karin… Waxaan ahay naf  hurdaysan oo an gami’ karin… Waxaan ahay naf miyirkeedii dhan yahay oo aan garanayn cir iyo dhul meel ay joogto…. waxaan dhex joogaa bulsho, haddana cidlaan ahay. hadaaqaa anigoo wada ayeey iga gooyaan oo i yiraahdaan xaafadaadii ma garanaysaa iyagoo iga naxsan una haysta inaan waalanahay ama aan waalan rabo, kadib markay arkaan is dhex yaacsanaantayda iyo rafaadka iga muuqda… Anigoon jawaab ka bixin ayaan isku yaxyaxay oo xaafadaydii dhankay iga xigtay usoo dhaqaajiyey… Anigoon kala jeclayn waxa tayda soo gaarayey ayaan waxaan ka baqay inay  gartaan baahidaan kuu qabo oo ay suuqyada kaga sheekaystaan nin waalan baa jecel oo ay sharaftaada wax gaaraan.

Dooggii indhahaay…. Runtii qalbigaygu wuxuu dhibsadaa in wax yar ku gaaraan sharaf ahaan iyo jismi ahaan intaba…. Waxaan ka doorbidaa intii sumcadaada wax gaari lahaayeen, inaan naftayda hiifo oo dhabarka u dhigto wax kasta oo isoo gaara, adigana kaa dhowro in saxar iyo waxii kasii yarba kaa gaaraan dhankasta oo nolosha ah… Allah waxaan ka tuugaa inaad adduunka kaga noolaatid barwaaqo iyo farxad Aakhirana Jannadii Fardowsa ehelkeeda kaa dhigo… Waxaa afkaygu kari waayaa inaan ku ducaysto inaan ku helo anigoo ka baqaya inaanan sida qalbigaygu kula jecel yahay inaad ku noolaatid kuu awoodi waayo oo aan itaal u waayo.

Rayskii qalbigaay…. Anigoo garan waayey waxaan sameeyo ayaan waxaan akhristay kalaamka Allah waxaan ka dhex arkay in Allah swtc banuu aadamka naxariis dhex dhigay… Waxaan kaloo ku dhex arkay kalaamka Allah swtc inaan Allah nafna kallifin oo aanay banaanayn in shaqsigu naftiisa silic iyo rafaad ku hayo…. Waxaa indhahayga kusoo istaagtay Ilin aad u kulul oo aan soo dhaafayn gudaha indhaha… Markaan Ayaadahaas akhriyey ayaa gacantayda oo gariiraysa sidii ruux laleelmo qaba waxaan soo qaatay qalin iyo warqad, waxaan bilaabay inaan warqaddaan qoro oo aan baahida aan kuu qabo kuusoo tebiyo…
Macaan iyo Qiimo Badan… Waxaan dareemayo Allah kaliya uunbaa og, naftayduna ma ii ogola inay kuusoo wada gudbiso iyadoo ka baqaysa naxariista Allah swtc kugu abuuray darteed inaad la ilmayso… Sababtoo ah inaad faraxdo maahee ma jecla in ilmadaan kulaylka badan ee indhahayga saaran intaan warqaddaan qorayo oo kale ay kugu timaaddo.

Sharaf iyo Wanaag Badan… Waxaad ogaataa inuu jiro ruux baahi wayn kuu qaba oo aaminsan inaanay adduunkaan saarnayn gabar kula dhiganta ama meel yar kaa shabihi karta.

Macaan Badan… Maaha inaad nafta ku kallifto inaad waxaan dareemayo wax ka qabato ogoow waa danbi aad iga galayso hadaad naftaada ku kallifto waxaanay doonayn adigoo ii turaya… Wanaagga iyo Barwaaqada Naftaydu waa iyadoo daawata farxadda iyo barwaaqada aad ku nooshahay.

Macaan Badan… Hadaadse ila mid tahay oo aad daraymaysid waxaan dareemayo ee xanuunka laxawga badan, aad iyo aad baan uga xumahay inay waqti badan igu qaadato inaan kuusoo gudbiyo, oo aad adna… Hanfigaan Hanaqayada Wadnaha iyo Halbawlahayga Saafay…. Dhankaagana walbahaar iyo xanuun badan ku hayo… Naftaydu waxay rabtaa inaad ila mid tahay, Qalbigayguse wuxuu ku ducaynayaa inaadan rafaadkaan qabo oo kale qaban sababtoo ah waxaan qalbigaygu kuu quurin inyar oo silic ah ama rafaadka aan qabo oo kale ah inuu kula darso waxaan faraxad iyo baraare ahayn kulama jecla…….
Naf kuu Baahan….

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: aadciiltire@hotmail.com aadciiltire@gmail.com
https://www.facebook.com/Guureey
http://aadciiltire.wordpress.com/
https://www.facebook.com/AADCiiltire

NB.- Ruuxii u isticmaala inuu isagu leeyahay Allah ayaan u wakiishay Raalina kama ahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7