Maqaal:Puntland:- “Ruux Mumin ah laba jeer god lagama qaniino

Posted Date: 28 Jan 2016   in: Maqaalo,news,Puntland     Comments Comments

Nidaamka 4.5 waa nidaam ay dad badan oo soomaaliyeed rumeysan yihiin inuusan xaq ahayn islamarkaana lagu liidayo qabaaillo soomaaliyeed, sida in laga fogeeyo goobaha lagu gaaro go’aanada masiiriga ah, sida xafiisyada .

iyo shaqooyinka muhimka ah ee maamulka. halka qabaailo kale ku doonayaan sadbuursi siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Sanadkii 2000 ayaa shir ka dhacay dalka Jabuuti lagu go’aamiyay in awooda dalka lagu qeybsado nidaamka 4.5, oo macnihiisu yahay in 4 qabiil oo ka mid ah qabaaillada soomaaliyeed helayaan awood dhameystiran oo min hal qori ah, halka marka laisu wada-geeyo qabaailada kale qeybsanayaan qori barkii. Laga soo bilaabo xilligaas arinkan waxuu dhaliyay guux iyo caro badan oo bulshada dhaxdeeda ah, waxaana loo arkay in uu dhidibada u aasayo dulmi ay macquul tahay in uu la factirsado jiilasha soo socda.

Puntland waa ay diiday xilligaas in nidaamkan wax lagu qeybsado. waxay u arkeysay in waxaanan xaq ahayn uusan xal noqon karin sida uu maalin hore Boosaaso ka sheegay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas madaxweyne ka ahaa Puntland ayaa qabay mid la mid ah fikirka mr Faroole, hase ahaatee madaxweyne Yuusuf ama Puntland xilligaas way aqbashay nidaamkan, in si ku meel gaar ah wax loogu qeybsado, waxayna sheegtay in ay u tanaasushay danaha qaranka iyo midnimada Soomaalida.

Sanado badan oo lagu soo dhaqmayay nidaamkan, ayaa waxuu isu bedelay nidaam ay dad badani qabatimeen, khaasatan qabaailadii sadbuursiga ku qabay, waxuuna u ekaaday sharci caadi ah oo dowlad lagu maamuli karo.

Dhamadkii sanadkii 2011, waxaa magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyay wejigii labad ee hanaanka geedisocodka Somalia, waxayna Puntland mar labaad aqbashay nidaamka 4.5, balse waxay markan ku xirtay shardi ah in aan mar dambe loo noqon doonin, marka la gaaro sanadka 2016, sidaasaana lagu heshiyay, waxaana halkaas ka soo baxay heshiis ay wada saxiixeen dhammaan saamileyda Soomaalida oo ay ugu horeysay dowladii ku meel gaarka ahayd ee xilligaas jirtay.

Inkastuu madaxweynaha Puntland ku gacanseyray go’aan la sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh iyo Jwaari ay miiska hoostiisa ku gaareen, beesha caalamkana ku raacday, hadana waxaan aragnaa in 16 sano ka dib weli Puntland lagu caddadinayo in ay sharciyeyso nidaamkan dooda badan dhaliyay .

Maxaa dhacaya hadii Puntlan u dabacdo cadaadiskan saaran?

Hadii Dowladda Puntlan u dabacdo cadaadiska saaray, waxay ku sifoobi doontaa maahmaahyadii ahaa, “Ruux Mumin ah laba jeer god lagama qaniino, iyo ” mar i dage Alle ha dago, mar labaad i dagese anaa is dagay”.

Marka labaad arinkan waxuu la micno noqonayaa in lagu kala adkaaday siyaasadda Soomaaliya, daraf ka mid ah labadi daraf ee ku loolamayay siyaasadda dalkana mid ka mid ah la maqooniyay. Ma jirto madax soomaaliyeed oo dhaxdhexaad ah.

Hadaan dib u eegno taariikhda dhammaan muranadii dhex maray labada daraf sanadihii ku meel gaarka ilaa sadexdi sanoo ugu dambeysay, 99% waxaa mar walba tanaasula darafkan hadda la cadaadinayo. Tusaale, 16 sano ayaa Puntland lagu cadaadinayaa nidaamka 4.5, halka darafka kale ay mar walba taagan yihiin hal mowqif, sidoo kale qodobadii dastuurka laga bedelay, iyo gudiyadii hal daraf laga magacaabay oo aan Puntland laga hoosqaadin IWM.

Hadda waxaad moodaa in dowladda federaalka oo lagu eedeeyo inaysan gudanin waajibaadki loo igmaday, in faatuuradii ama ganaaxii ay iyada bixin lahayd dhabarka loo saarayo Puntland iyo Jubaland, waana marka aan leenahay, waxaad moodaa in lagu kala adkaaday siyaasadda dalka.

Hadaba akhristow, waxaa la saadaalinayaa hadii sidan siyaasadda dalka ku sii socoto, Punland-na madaxa u foorariso danjiraha cusub oo ay macquul tahay in uu yahay nin hal dhinac ka raran, sidii saaxiibkii ka horeeyay mr Key, go’aanka Puntland waxuu noqon doonaa khalad la abtirsada jiilasha soo socda guud ahaan soomaalida, siiba shacabka reer Puntland.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, waxaa la yiri: Colaada waa cadow, waan-waan baa u maciin ah, nabad baase ka macaan, waxaysan waxba ugu oolin dadkii ku dhintay colaadaas. Mugdi waa cadow, dayax baa u maciin ah, maalinbaase ka macaan, waxaysan waxba ugu oolin qofka indhaha la, Abaarta waa cadow, doogbaa ka macaan, waxaysan waxba ugu oolin xoolihii ku dhintay abaartaas.

Soomaalinimada iyo midnimada dalka waa wax macaan, balse hadii sidan wax ku sii socdaan waxaysan waxba ugu oolin reer Puntlan iyo dadka ku dulman nidaanka 4.5.

Bshar Haji
b.haji114@hotmail.com

Allidamaale