Maraykan oo Duqayn Ka Gaystay Gobolka Hiiraan

Posted Date: 30 Oct 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Duqayn Xalay Fiidki ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 62 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne ayaa lagu dilay hor-joogayaal iyo Malleeshiyaad ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, sida ay Radio Muqdisho u sheegeen Dadka degaankaas.

Duqayntan oo la aamisan yahay inay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykana ayaa wararku waxay intaas ku dareen s in duqayntaasi ka dib ay Malleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka u diideen inay halkaasi ka baxaan ama ay soo galaan. Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo soo baxday ciidamada maraykana ee Khasaaraha ka dhashay weerarka ay qaadeen

Degaanka Ceel-dheer ayaa waxaa Maalmahan kulamo ku lahaa qaar ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab, iyadoo shirarkoodana ay ka war heleen ciidamada maraykana ee gacanta siiya dowladda Federaalka.

Degaankaan Ceel-Dheer ayaa ah degaan ay ku xoog badan yihii Ururka alshabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda federaalka iyo Amisom ee ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7