Mashrucii leynta waxgaradka oo dib u curtay iyo tix Baroor diiq oo loo tiray allaha u naxariistee Xildhibaankii Galkacyo lagu dilay

Posted Date: 24 May 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Jiiftadaan waxaan miraheedda iska leh Mahad Xirsi (Camal): Waxuuna ugu barroor diidqay Xildhibaanka lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xaeunta gobolka Mudug 9.5.2015, qowleysatadu ku qalatay Gaalkacyo.

Ina Dirir ayaa diley?

Ma dadkaa la laayiyo?
Xil-kas baa la dagayaa?
Ma waxgarad ayaa dugey?
Ina Dirir miyuu degey ?
Oo iilka loo diray?
Dalmar aan su’aalee
Yaa daalinoo qaba?
Dhiigaa la daadshiyo
Dacartaa la qooshiyo
Dummadooda yay tahay?
Yaa doonyo-qaad u ah?
Dawladi ma talisaa?
Mise waa daleel maran?
Galkacyoo dugaalkiyo
Dadnimadii mamaratay
Duqaydii ma ciidmaan?
Dumarkiyo caruurtii
Cidi maw dadaashaa?
Dibad joog haddaan nahay
Qurbihii ku daalnoo
Dal-tabyaa na haysee
Ma so degi karaynaa?
Mise duur-xulkaan nahay?
Dani idinkama haysaba?
Mana jiro dugaalkii?
Mise waa dagaal kale?
Qof kastiyo dubaaxdii?
Iyo daw-gal nololeed?
Dunji iyo wanaag iyo
Isu diir-nax baan jirin?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7