Maxaa Fadhiidnimada ugu wacan dowladda Somaliyeed?

Posted Date: 13 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Tan iyo shirkii Carte lagu qabtay 1999 waxaan maqlaynay Dowlad ayaa Soomaaliya loo soo dhisay, walow dowlad ku sheegu maanta qaangaartay hadana maysan hano-qaadin oo waa weli fadhiid aan socod baran.  Magac ahaan waa dowlad, xilal ahaan dad baa ku magacaaban mansabyo kala duwan sida Madaxweyne , Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal Baarlamaan, Xubno Baarlamaan, Gudoomiyayaal Maxkamado , Taliyayaal Ciidan iyo shaqaale dowladeed intaba. Waxaase ayaan-daro ah in dhamaan sifooyinkii iyo adeegyadii dowladi lahayd ama lagu yiqiin in ay shacabkeeda u qabato  lama hayo.  Dowlad aan ilo dhaqaale lahayn sida canshuuraha bariga, hawada, dekedaha, dhulka iyo ganacsida kale, dowlad aysan gacan ugu jirin ama xataa aan awood ay ku midayso dhulkay ku magacaaban tahay inay maamusho lahayn, dowlad aan Xuduudaheeda xiran karin oo waxa dalka soo geliya ama ka baxaya ka warqabin , dowlad aan amniga muwaadinka iyo amniga xil hayayaashaba intaba sugi karin, dowlad aan adeegii bulsho sida wax barasho, caafimaad iyo horumarineed aan waxba ka qaban karin, Tolow ma la oran karaa waa dowlad, mise wuxu waa dowlad maahee waa magac u yaal dowladeed!

Maahmaah Soomaaliyeed oo hore ayaa waxay tiri “Habartii indho la’aan ma ku ogay,saa la yiri haa, dee waa tiiyoo dad cunimo ku darsatay” 

Dowladaan oo kulansatay tabar yari, taag xumo, iyo waxtaris la’aan,  ayaa waxay maanta  iinaheedii iyo ceebaheedii hore oo lagu ogaa , looguna dulqaadanayay kusii darsatay in Madaxdii  awalba “Magac u yaalka”  ahaa khilaafkoodii loo caal waayay.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay xagee ayay ka inkaaran tahay ummada Soomaaliyeed? Maxaa tiiha iyo iska daba wareega geliyay?, maxay dowladani u  hana qaadi la’aday oo fadhiidka ka dhigay? Maxay madaxda magac u yaalada ahi isku hiifayaan oo hardinayaan? Maxaase shacabka masiirkooda iyo aayaha ubadkooda lagu cayaarayo ficil laawayaasha bilaa dareenka iyo damiirka ah ka wada dhigay oo looga l’ayahay afraad ama kooxo usoo banbaxda inay difaacdo danta guud , wax ka yiraahdo masiirka dalkooda, heeryada gafanayaasha (magac u yaalada mas’uul isku sheeg ahna)  dalka iyo dadkaba uga xorayn l’ayihiin?

Soomaaliya maaha dalkii ugu horeeyay ama ugu danbayn doona ee dagaal sokeeye soo mara , balse liisku aad ayuu udheer yahay.   Hadaba, hadaan dib u milicsano taariikhaha wadamadii qaxarada dagaal soo maray si ay darsin iyo waano noogu noqdaan, waxaad arkaysaa inay jireen arimo dhowr ah oo aasaasi u ahaa inay ummadi ka baxdo dhibka , heshona hogaan, hanaan iyo haykal dowladeed oo horseed u noqda midnimo, amni iyo horumar taam ah oo taabagal ah.

 

1- Hogaan Suuban (good leadership):

Ummadina ma jiri karto meelna magaari karto hadaysan yeelan ama lahayn hogaan ama hogaamiye.  Waxaad arkaysaa in Diinta Islaamku ay qiime weyn siiso doorka hogaamiyaha ilaa heer ay gaarsiisay sida Nabiga (Nabadgelyo iyo Naxariista Eebe korkiisa ha ahaatee) uu yiri “labadii qof oo safraya waa inay midkood ay u doortaan Hogaamiye” .  Sidoo kale diintu waxay sheegtay in qofkastaa uusan lahayn sifo hogaamiye, oo ay tahay arin u baahan xirfad iyo xeelado gaar ah, kuwaas oo qaar hibo eebe ah, meesha qaar kalena uu qofku baran karo.

Hadaba, hadii kolkii nabada iyo nolosha caadiga ahi jirto uu hogaamiyuhu lama huraan nolosha u yahay, xagay joogtaa kolkii dhibaato baaxad weyn ay ummad dhan ku habsato sida; cabsi, colaad, cadaawad, cuqdad iyo kala aamin bax aad u baahsan.

Hadaba si aynu u fahamno sifooyinka laga rabo hogaanka suuban ee ummad hagi-kara una horseedi kara wado toosan, mustabal ifaya, horumar taabagal ah iyo dowlad u adeegta shacabka kana shaqaysa midnimo, nabad, cadaalad, sinaan iyo maamul wanaag, bal aynu dib u yare milicsano dhowrkan halyay oo loo wada qiray inay ahaayeen hogaamiyayaal baal dahab ah ka galay taariikhda aadanaha kuwaasi oo uu magac iyo dhaxal waara ifka uga tagay.

Muhammad (Nabadgeliyo iyo Naxariistii Eebe dushiisha ha ahaatee) :

Waxaan taariikh-yahanada aduunku isla wada qireen in Hogaamiye Soomara caalamka oo ka caansan Nabi Muxammad (Caleihi Salaam) uusan jirin.  Waxyaalaha lagu qiimeeyay ama martabadaa qiyamka badan Nabigeena gaarsiisay (oo xataa dadkii aan diinta Islaamka aaminsanayni u qireen) waxa weeye;  isbedelka weyn ee uu u horseeday aadanaha.  Wuxuu ka soo dhex baxay ummad cawaan ah oo sanamyo caabudaysa, oo colaad aan dhamaan iyo arxan daro hareeraysay.  Waxay ahayd goob kii xoogbadani kan tabarta yar ama laga tirade badan-yahay dilayo, dhacayo, adoonsanayana.  Wuxuu Nabigu (Caleihi Salam) u horseeday in Carabtaas Casriga Jaahiliga ku sugnaa, inay Eebe qura caabudaan, midoobaan oo colaada joojiyaan, adoonsiga iyo anaa laandheeraa tirtiraan, dhaqanadii xumaa ka suulaan oo akhlaaqiyaad iyo asluub sare dad leh noqdaan lana tartamaan balse ka hor maraan xadaaradihii caalamka ee berigaas jiray.  Wuxuuna Nabi Muxammed (Calaiku Salaam), ahaa mid jacaylka ummadiisa aad ugu weyn yahay, nin akhlaaq iyo asluub suuban leh oo dadka ku soo hirtaan ag-joogiisana naxariis iyo amni dareemaan, deeqsi wuxuu haysto qofkii baahan siiya, kooda diciifka ah garabka u raariciya oo u gargaara, wuxuu ahaa sida quraankuba sheegay Raxmad Eebe caalamka u soo diray.

Iska daa aduunka wuxuu aadanaha taraye, jacaylka uu ummadiisa u qabo awgeed, sida Xadiis Saxiix uu ku sheegay wuxuu yiri “Nabi kasta waxaa la siiyay duco laga ajiibo, anigu taydii dib iyo aakhiro ayaan ugu dhigay ummadayda”  taas oo culimada tafsiirku ku fasireen Shafaacada maalinta qiyaame uu ummadiisa Eebe uga baryi doono.  Kolkaa iska daa ifkee , aakhiro ayuu xataa ummada uu hogaanka u hayay ka fikiriyay oo uusan dheefmaahee dhib la rabin.

Mahatma Gandhi

Waa ninkii isagoon hub wadan dowladii Ingiriiska ee xooga badnayd ka xoreeyay dhulkiisii, dadkiisii la dulaystayna u horseeday inay heeryada guumaysiga iska tuuraan.  Wuxuuna guushaasi ku gaaray isagoo ahaa nin aan isla weynayn.  Muu ahayn tuug xatooyo dad weyne ku nool, balse nolol caadi ah oo dadka tiisa la mid ah balse kaba sii hoosaysa ayuu ku noolaa,  hogaan iyo horseedna u noqon jiray dadka ee aan madaxtooyo derbiyo dhaareer iyo ciidan isku wareeji.

Abraham Lincoln

Waa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka, waana madaxweynihii ugu caansanaa kuwa soo mara Maraykanka , maxaa yeelay wuxuu ahaa ninkii hogaanka dalkiisa u hayay kolkii dagaalka sokeeye ee lagu hoobtay ka socday, waa ninkii mideeyay Maraykanka, waa xoreeyihii dadkii madoobaa ee la guumaysan jiray.  Wuxuu ahaa geesi aan libiqsan, dareensanaa faa’iidada wada jirta iyo midnimada dadkiisa iyo dalkiisa,  lahaa aragti dheer waana “vision” kaas midka horseedka u noqday in maanta Maraykanku noqdo dal lagu soo hirto, leh awood dhaqaale iyo ciidan, leh xoriyad muwaadin kasta wuxuu doono aamini karo, sharciga hortiisana loo siman yahay.

Nelson Mandela: Wuxuu ahaa hogaamiyihii midab kala sooco la dagaalamay, wuxuu xabsi ku jiray 27 sanadood, waxaa lagu dayay boqol goor in lagu beer laxowsado xoriyaadaada ayaad heliye ka noqo mabd’aaga, isagoo danta dadkiisa fiiriyanaya ayuuna diiday oo ka doorbiday inuu isagu dhibaatoodo si dadkiisu xornimo u helaan.   Guushii iyo gobanimadii uu nafta u hurayna Allah ifka ayuu ku tusiyay.  Xabisii kolkuu ka soo baxay wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Madow ee South Africa doorato.  Wuxuu noqday mideeyihii Madowgii iyo Cadaankii, Wuxuu noqday nin dhamaan shucuubta aduunku ay qadarin badan u hayaan, wuxuuna taa ku mutaystay , karitidiisa, dulqaadkiisa, calool fayoobidiisa, iyo sida uu diirarada u saarayay gaarista waxa uu rabo ee ahayd xornimo taam ah.

Halyayadaas aan kor ku soo xusay waxay tusaale u yihiin hogaanka wanaagsan iyo siday ummado dhibaataysan, is nacay, isdilaya , kala qaybsan ay ugu horseedeen midnimo, cadaalad, sinaan , horumar iyo maamul taabagalay.

Dhamaan dalalka soo maray dagaalada iyo burburka baahsan, waxaad arkaysaa inay hogaanka u qabteen dhibkana ka saareen, mideeyeen, dowlad iyo horumarna u horseedeen hogaamiyayaal awood badan kuwaas oo naftood hurayaal aan libiqsan ah, danta guudna ka hormariya mida gaarka ah, leh dulqaad, dad isku wad, karti, aaminimo iyo hufnaan maamul wanaag.

Ayaan daro maanta Soomaaliya haysta waxay tahay in magac u yaalo xilmakasayaal ah iyo adeegayaan dano dalal shisheeye ay afduubeen hogaankii iyo masiirkii ummada, kuwaas oo aan diir naxa lahayn,  ahna gafanayaal dhiiga iyo dhacaanka dadka ku nool.    Xulafadaan barakadana la hareer mariyay waxay ka kooban yihiin dhowr kooxood oo kale ah sidan;

  • rag NGO iyo Hay’ado khayri ah hogaamin jiray, dulaalna u ahaa welina u ah ciyaalayaasha khaliijka
  • Mashaqaystayaashii aan maalin meherad u kalihin oo qurbaha ka soo shaqa tagay kuwaas oo qayrul masuulinimo heer ay ka gaaray barqo cad ka soo dhaqaaqaan oo soo dayacaan xaasaskoodii iyo awlaadoodii
  • iyo kooxda ugu liidata oo ah jaajuusyo shilimaad iyo balanqaadyo raqiis ah masiirkii dalkooda iyo dadkooda ku iibsaday

Hadaba, xaalada Soomaaliya maanta marayso ee ah mid ay ummadi marto tii ugu hoosaysay, waxaa lama huraan ah in la helo hogaan leh sifooyin daacadnimo, dad isku wad, dulqaad , geesinimo, aaminimo, ahna hogaamiyayaal leh aragti dheer iyo xirfad iyo xeelad uu ku gaari karo aragtidaas kuna hagi karo shacabka, kuna mutaysan karo hanashada quluubta dhamaan dadka Soomaaliyeed guddo iyo dibadba.

 

2- Dowlad-midnimo (Unity Government)

Taariikhda reer Guuraaga Soomaaliyeed hadaad dib u yare jaleecdo, waxaad arki inay duruufaha nololeed ee aadka u adkaa keeni jireen dagaalo daaqsinta (baadka iyo biyaha) la isku dili jiray.    Hadaba, maadaama aynaan xadaarad hore iyo haykal dowladeed midna soo marin , waxaad arki in dhaqankii miyiga oo la soo min-guuriyay lagu dhex milay hogaankii iyo hanaankii dowladnimo.

Maanta Madaxnimadii iyo dowladnimadii ayaad moodaa in laga dhigay il ama kaalin uu hadba ninkii xilka qabtaa rabo inuu ku naasnuujiyo beeshiisa oo qudha, halka uu ummada inteeda kalena rabo inuu ka oomiyo.   Sidoo kale maadaama dowlad madax ka nool ah oo keligii talis ah aan soo marnay  (1969-1991) ayaad arkaysaa in hogaamiye kasta oo xilka qabaa uu rabo inuu isku dhereriyo una dhaqmo sidii taliskii Kacaanka.

Caqliyadaasna weeyaan mida had iyo goor madaxa isku-gelisa ama keenta khilaafaadka soo noqnoqday ee dhex mara Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Maanta markaad eegto marxalada dalka Soomaliya marayo , waxaad dareemi inay tahay mar xalad aad u adag oo u baahan in si taxadar iyo tartiib leh oo wajaho, maxaa yeelay dad aan is rabin oo dakharadii kala gaaran weli dhaawac yihiin ayaa la doonayaa in la isku soo dumo oo dowlad iyo hogaan qura lagu mideeyo.

Waxaa muuqata sidaan hore u soo xusayba kala shaki iyo kala baq baahsan, waxaa muuqata in isku daygii dowlad abuur iyadoon nabad abuur iyo dib u heshiisiin aan la samayn ay markasta burbur iyo dagaal siyaasadeed ay ku dhamaato.

Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa xal ah?

Dadku aad ayay ugu kala duwan yihiin aragtida ku aadan meesha kalku ka dhow yahay iyo mushkilada waxa keenay intaba.    Dadka qaar waxaa dhici karta inay dhahaan arintaani hogaan suuban iyo dowlad-wadaag waxba kama khuseeyo, ee  waxaa jira xaalado kale oo muhiim ah oo u baahan in la saxo sida:

  • In Dastuurku uusan shaqada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha waadaxi ka dhigin
  • In labada mansab midkood la tuuro si khilaafaadkaan soon noqnoqday loo soo afjaro
  • In baarlamaanku faashil yahay maadaama dhibka qayb weyn ay ka yihiin, la’aantoodna uusan madaxweyne awood u yeesheen inuu tuuro Ra’iisal Wasaare, sidaa awgeed waa in lakala diraa xubnaha baarlamaanka maanta, si loo helo xubno baarlamaan oo tayo leh

Walow dhamaan sadexdaas qodob mid kastaa uu aragti suuban xambaarsan yahay, hadana waxaan weli aamin sanahay in meeshe sartu ka quruntay ay tahay maqnaanshaha dib u heshiisiin dhab ah.   Waxaase intaas ka sii daran maqnaanshaha Hogaan Suuban oo xil kas ah kaas oo dadka iyo dalkaba hagi kara oo hogaamin kara.   Sidaa awgeed, waa lama huraan in si la isugu soo dumo quluubta kala baaday oo isku bohol-yowday balse weli kala baqsan waa in la raadshaa, la baafiyaa, la goobaa Hogaan u qalma inuu majaraha u qaba dalka , kana saaro duruufaha iyo duufaanaha adag ee maanta taagan.  Waa in hogaankaasi noqdaa mid dareensan marxalada khatarta ah ee uu dalku marayo iyo sida ay lama huraan u tahay in hogaamiye naftii hure ah oo danta guud diirada saara uu u noqdo, waa inuu noqdaa hogaamiye beesha caalamka iyo dalalka deriska ahba kula dhaqmi kara xirfad iyo xeerad qoto dheer iyo siyaarad lagu xaqiijinayo danta dhow iyo mida dheer ee Ummada Soomaaliyeedba.

Hogaami qura keligii wax ma tari karo hadii uusan helin raaciyad (dad aaminsan oo awaamirtiisa u hogaansama)  “there can be no leaders without followers” .  Dowladi ma jiri karto hadaysan dhul ay xukunto, shacab ay maamusho , dhaqaale isticmaasho iyo ciidan ay amniga ku sugto haystan.   Arimahaanina kuwo xoog lagu keeno maaha, balse waa kuwo lagu xaqiijin karo oo keliya kasbashada kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Maadaama wax burburintu ay sahlan tahay , wax dhiskuna uu aad u adag yahay rabona wakhti , sidoo kale maadaama wax la dhiso oo la kasbado ay ugu adagtahay quluubta aadanuhu , waxaa lagama maarmaan ah in la helo dowlad-midnimo (Unity Government), taas oo looga gonleeyahay in la abuuro tartiib dowladeed oo uu dalku uga soo kaban karo burburka, loo abuuro jawi saamixi kara in la helo ama la xaqiijiyo dareen midnimo, wada shaqayn, wax isla wadaag iyo wax wada qaybsi iyo si dhamaan qolyihii hardamay ay isaga wada dhex arkaan haykalka dowli, si aysan cidina isu oran ama u dareemin  in laga adkaaday oo banaanka laga dhigay dowladii, waana habkaas oo qura ayaan oran karnaa midka Soomaaliya ay maanta u baahan tahay si loo soo afjaro khilaafaadka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ee soo noqnoqday, looga guuro dhaqanka reer-guuraaraaga ee kaalin kala hororsiga ku salaysan.   Hadii taas la helo waxaa hubaan ah in dowlada Soomaaliya ay ka bixi doonto fadhiidnimada iyo in dhamaan qabiilada Soomaaliyeed uwada arkaan in dowladaani toodii tahay,  loogana waantoobo in aysan cidina u dareemin bahdil siyaasadeed iyo ku digasho intaba.

Effective leadership is not about making speeches or being liked; leadership is defined by results not attribute.     Peter Drucker

Hogaamiyaha dhaxalgalka ahi maaha midka khudbad (macaan jeediya) ama la jeclaado; hogaanka suuban laguma garto sifooyin qudha, balse waxaa lagu gartaa wax qabad taaba gal ah oo la taaban karo. Peter Drunker

Don’t find fault, find a remedy.   Henry Ford

Hogaamiyaha suubani maaha midka dadka kale xumahooda faagfaaga (ama eeda qofka uga siibta), balse waa midka doona dawo iyo xal dhaxal gal ah.   Henry Ford

Hadaba, maadaama maanta uu xilka hayo Madaxweyne Xassan, lagana dhowrayo inuu magacaabo Ra’iisal Wasaare soo dhisa dowlad, waxaa dhagta loo taagayaa qofka darajadaas uu u magacaabi doono, iyo Dowlad caynkee ah ayay noqon doontaa mida la dhiso doono.

  • Madaxweyne Xassan ma fahmi doonaa kana faa’iidaysan doona fursada dahabiga ah ee maanta hortiisa taala taas oo uu kaga soo kaban karo ilamaa xad, jugtii siyaasadeed ee ku dhacday?
  • Madaxweyne Xassan ma yeelan doonaa dhiiranaan iyo geesinimo uu ku magacaabo Ra’iisal wasaare xilkas ah, mise caamil caale qaate ah oo aan cidna metelin oo calooshiis la cayaar ah ayuu keeni doonaa?
  • Ra’iisal Wasaaraha Cusubi ma soo dhisi doonaa dowlad-midnimo “UNITY GOVERNMENT” ay wasiiro ka yihiin dad xilkas ah, mise “noo kala tuur 50/50” ayaa ka dhici doonta sidaas ayaana guulwadayaal magac u yaalo ahi xilal aysan u qalmin loo magacaabi doonaa!
  • Madaxweyne Xassan ma awoodi doonaa inuu dib u hanto kalsoonidii iyo hankii weynaa ee ay beesha caalamku u qabeen si taageeradii aan kala harka lahayn ee ay la garab taagnaayeen dowladiisa ay u sii wadaan, mise hogaamiye lagu hungoobo oo aan wadciga iyo waaqaca caalamka la falgeli karin ugana faa’iidayn karin dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayuu noqon doonaa?
  • Madaxweyne Xassan ma awoodi doonaa kuna dhiiran karaa inuu saaxiibadiisa muranka dhaliyay aysan ka mid noqon dowlada dhalan doonta, mase yeelan doonaa kalsooni uu Ra’iisal Wasaaraha cusub ku qabo, taas oo RW siin doonta awood iyo madaxbanaani uu ku dhisi karo dowlad u qalanta dalka.

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7