(Warbixin) Maxaa hor taagan in DPL ay xil iska saarto sidii Qurba Joogta loogu sahli lahaa soo barashada dalkoodii Hooyo?

Posted Date: 24 Jul 2016   in: Maqaalo,news,Puntland     Comments Comments

Jaaliyadaha iyo Qurba-Joogta  Puntland ayaa mudo dheer ka dhur sugayay xukuumadihii is xig xigay ee soo maray dowladda Puntland mudada 18-ka sano aheyd in ay mar un ka fikiraan Jaaliyadaha iyo Qurba-Joogta reer Puntland ee daadsan dunida dacaladeeda.

Qurba Joogta oo isugu jira dhalaan, Waayeel iyo Dumar aad u farabadan, walina aan arag dalkoodii, hase yeeshee aad u jecel in ay dib ugu noqdaan, amase xagaa bax u tagan dalkooda Hooyo ayaa fursad iyo Jaanis loo siin in loo sameeyo Barnaamijka soo baro dalkaada iyo u dalxiis-tag dalkaaga.

Dadyowgaan Qurba Joogta ah ayaa isugu jira kuwo asalkoodii hore ku dhashay Koonfurta Soomaaliya ee usoo qaxay Qurbaha iyo kuwo ku dhashay Qurbaha oo aan waligood fursad u helin in ay bartaan soona arkaan dalkooda.

32.000 Puntland people. Child, women and elderly people and even teenagers in Scandinavia.

Tirradaa intaas la’eg oo reer Puntland ah ayaa ku nool wadamada la isku yiraahdo Scandinavian oo kaliya, waxeyna u badan yihiin maato aad ugu baahan in ay dalkoodii xagaabax iyo dalxiis ku tagaan oo soo bartaan, inteysan ku baabi’in wadamada Qurbaha, hadii lagu daro dalalka kale ee yurub iyo Qaaradaha kale ee aduunka waa Tiro aad u badan oo laga yaabo in ay gaarto malaayiin.

Hadaba dadkaas intaas tiradoodu tahay soow looma baahneyn in laga fikiro sidii barnaamijyo ku haboon barashada dalkooda loo sameeyn lahaa, sida:- u xagaa baxa dalkaaga oo ku dalxiis ama soo baro dhulkaaga hooyo.

32.ooo-kun ee reer Puntland ee ku nool Scandinavian ma dhama 4000-kun waxa yaqaan Puntland amase aada mar walba, dad ka badan 19000-kun waxey u xagaa baxaan dalalka Carabta halka qaarkalena ay u dalxiis tagaan dalalka Afrika iyo Amerika.

Hadii loo sameyn lahaa qorshe dowladeed (Travelagency) shirkad ku shaqo leh u jarida Tigidhada iyo u kireynta guryaha iyo Hotleda Puntland oo aysan ayagu aqoon ama dhameysankarin sow dhaqaale, xadaarada iyo Horumar kuma soo kordhiyeen dalka, sidoo kalena sowa lama badbaadiyeen Hooyo Badan oo kaliggeed heysta Ubad iyo dhalaan Aabihii ka tagay oo aysan kaligeed ku filaankarin (Senegal mather). iyo Waayeel badan oo Qurbaha dhaqale ku haysta hase yeeshee uga fiicnaan laheyd in dalkii lagu hayo.

Ka fikir dhaqaalaha, Shaqooyinka iyo Horumarka ay dadkaasi kusoo kordhin karaan dalkeena Hooyo, kana fikir Owlaada iyo da’a yarta faraha badan ee lagu badbaadinkaro dalkoodii Hooyo balse aan aqoonta u laeyn.

Ka fikir Akhiro iyo Aduun Faa’idada laga helayo dadkaas Faraha badan u fududeynta in ay dalkoodii Bartaan oo ku badbaadaan!!!

Hassan

allidamaale@hotmail.com

Allidamaale