Maxaa looga hadlay kullanka golaha Aqalka sare ?

Posted Date: 01 Dec 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ka doodista iyo su’aallo weydiin Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq- maasuqa, waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah senatarada oo aragtidooda ka dhiibtay hindise-Sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa sheegay in qodobada qaar muhiim ay tahay in wax ka baddel lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Owqaafta ,Xuquuqul Insaanka , Haweenka iyo Carruurta Golaha Aqalka sare Senator Samsam Ibraahin oo qodobada qaar jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in fikradaha ay senatarada soo jeediyeen la tixgelin doono.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga mahad celiyay Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka sare sida ay uga shaqeeyeen Hindise-sharciyeedka iyo fikradaha nadiifka ah ee senatarada soo jeedinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kullanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta tallaadada la isugu soo labanayo guddiga laga doonayo iney qoraalka ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku raacay.

Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7