Maxey ka wada hadleen Amiirka Qadar iyo Madaxweyne Farmaajo oo kulmay

Posted Date: 14 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Maxamed Althaani.

Kulanka labada mas’uul ayaa la iskula soo qaaday xiriirka labada dal,iskaashiga,dhaqaalaha,Ganacsiga,amniga iyo kaalmada Qadar ee Soomaaliya.

Wargeyska The peninsula ee ka soo baxa Dalka Qadar ayaa sheegay in kulanka labada mas’uul uu ka bar bar qabsoomay kulankii Madaxda Waddamad Islaamka ku lahaayeen magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Amiirka Qadar ayaa ballan qaaday in uu xoojinayo xiriirka Dowladdiisa la leedahay Soomaaliya,sidoo kalena Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageerayo sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale