Meydka Taliyihii hore ee Bileyska DF oo Muqdisho lagu soo celiyay

Posted Date: 02 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Alle ha u naxariistee Meydka Taliyihii hore ee Ciidamada Bileyska dowladda Federaalka Gen. Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil ayaa saaka waabarigii hore lagasoo dajiyay magaalada Muqdisho ee xarunta dowlada Federaalka ee Soomaaliya, kadib markii Baaritaan la xariira geeridiisa lagusoo sameeyay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, dhawaana la shaacin doono.

Marxuumka ayaa 31-October 2014 loo duuliyay dalka Kenya oo loogu qaaday in lagu sameeyo Baaritaan kusaabsan Geeridii deg deg aheyd ee ku timid marxuumka, maadaama ay Eheladiisu sidaas codsatay ayagoo ka shaki qaba in Geridiisa ay la xiriirto dil Siyaasadeed oo la sumeeyay.

Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidamada Bileyska dowladda Federaalka Gen. Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil ayaa labadaan maalmood loo xir xiray tira dad ah oo gaarayay ilaa 17-qofood oo laga shakisam yahay in ay kulug lahaayeen Geerida deg deg ah ee ku timid Marxuuka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7