Murashax Muuse Biixi oo maanta ku Hanjabay in uu dagaal la galayo Puntland

Posted Date: 11 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Waxaa maanta magaalada Hargeysa Shir jaraa’id ku qabtay musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha ee Somaliland iyo Guddiga Doorashada.

Shirka jaraa’id ayaa inta badan looga hadlaayey fariimo ku socday shacabka Somaliland iyo illaalinta Amniga.

Murashaxiinta ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay Baarlamaanka Dowladda Puntland oo sheegay in deegaanada Sool,Sanaag iyo Cay nee hoostaga Puntland aan wax doorasho ah laga qaban karin Somaliland.

Murashaxiinta saddexda ah ayaa sheegay in Somaliland u madax banaan tahay in doorashooyinka ay ka qabtaan dhulka ay sheegtaan.

Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland aysan dagaal rabin balse haddii Puntland si milatari usoo faro geliso doorashada ay ka jawaabi doonaan.

Weligeed Cadow kama adkaan Somaliland, Garowe maanta ciidamada ku aruurinaya ha is wareysteen, wixii geeska Afrika ka dhaca iskadaayee Garowe ayaa lagu murmi doonaa…” ayuu yiri Muuse Biixi oo hadalkiisa u muuqday mid u doonayey inuu kusoo jiito shacabka Somaliland.

Allidamaale