Musharax Madaxweyne Puntland Gen Morgan oo Boosaaso gaaray

Posted Date: 12 Apr 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

General Maxamed Siciid Xirsi Morgan Oo Kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka ee Dowladii Kacaanka ayaa Lagu soo Dhaweeyay Magaalada Boosaso ee Gobolka Bari,

Soo Dhaweyntiisa ayaa waxaa ka qeybqaatay Qeybaha Kala duwan ee Bulshada iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari,

Nabadoon Cabdulqaadir ibraahim Xarago oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Generalka ku soo
dhaweeyay magaalada Boosaso, isagoona sheegay iney ku faraxsanyihiin imaanshihiisa,

Dhiniciisa General Maxamed Siciid Xirsi Morgan Oo La hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay inuu u yimid magaalada Caleema saar Dhawaan ka dhici doona magaalada Carmo ee Gobolka Bari,

Wuxuu ka gaabsaday Su’aal la weydiiyay oo aheyd inuu Yahay Musharax u taagan Xilka Madaxtinimo ee Puntland 2019.
General Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa Horay u soo Noqday Wasiirkii gaashaandhiga ee Dowladii Kacaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale