Musharaxiinta KGS oo la kulmay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

Posted Date: 14 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Musharaxiin gaaraysa Todoba Musharax una taagan Xilka qabashada madaxweyne ee Maamulka Goonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay magalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kullankaan oo ahaa mid is xogwaraysi ah ayaa waxaa looga hadlay qaabka ugu wanaagsan ee lagu wajihi karo Doorashada dhawaan ka dhaci doonta koonfur Galbeed,waxayna musharaxiintu Gudoomiye Mursal u sheegeen sida loogu baahanyahay isbadal Xilligaan ka dhaca Koonfur galbeed.

Musharaxiinta uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku jiray Mukhtaar Roobow (Abuu maansuur) oo horay u soo noqday Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab balse dhawaan laga saaray liiska Argagixisada Caalamigaa Xiriir dhowna la sameeyey Dowlada Federaalka Soomaaliya,Mukhtaar Roobow ayaa loo arkaa Musharaxiinta Loolanka adag la gali doona Shariif xasan oo hada madaxweyne ka ah Koonfur Galbeed haddii uu shaaciyi inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka KGS.

Mukhtaar Roobow ayaa taageero buuxda ka haysta Madaxda Dowlada Soomaaliya sidoo kalana Dowlada Mareykanka ayuu taageero ka haleyaa.

Musharaxiintaan oo dhamaantood u midaysan inuusan Shariif xasan ku soo laaban talada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhawaan tagaan Magaalada Baydhabo si ay halkaas uga bilaabaan Olalahooda musharxnimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale