M/weyne Xasan Sh. oo Nicholas Kay ugu baaqay inuu faraha kala baxo Khilaafka DF

Posted Date: 03 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

War saxaafadeed saaka si deg deg ah ugasoo baxaday xafiiska Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa loogu jawaab celiyay war saxaafadeedkii xalay fiidkii kasoo baxday xaafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya UNSOM) ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu sida cad ugu dhaaleeceeyay Madaxweyne Xasan Sheikh inuu masuul ka yahay khilaafka iminka taagan ee u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana uu kaga digay Madaxweynaha mooshinka uu dabada ka riixayo ee ka dhanka ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheikh Axmed iyo laaluusha uu ku ridayo Xukuumada Federaalka inuu ka waantoobo. Madaxweyne Xasan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in  dalalka daneeya arimaha Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha beesha caalamkaba  ixtiraamaan oo ogolaaday in dhexdeedo ay dhameeyaan mugdiga ku dhex jira ayadoo la raacayo dastuurka dalka Soomaaliya, isla markaana loo madax baneenayo sida ay doonaan in ay wax u xalistaan. Xasan Sheikh ayaa yiri “waan soo dhawaynayaa wal walka beesha caalamka iyo sida ay noo taageeraanba, hase yeeshee waxaan doonayaa in beesha caalamka ay ixtiraamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dowlada Federaalka si ay u gutaan howlaha horyaala, isla markaana loo dhameyo khilaafka taagan iminka ayadoo la raacayo hab sharci ah ” ayaa ku sheegay war saxaafadeedka. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay hir galinta dastuur dhameystiran oo dadku afti looga qaado, ayadoo hiigsigu yahay in doorasho dalka la gaarsiiyo inta aan la gaarin 2016. Muqdisho allidamaale@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7