Naadiga Comsed oo guul wanagsan ka gaaray kulan ay wada yeesheen naadiga yameeska

Posted Date: 19 Jan 2015   in: news,Puntland,Sports     0 Comments

Garoonka kubadda cagta ee Cawaale waxaa si habsami leh uga socda tartanka Naadiyaasha heerka koobad ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qayb-galaya dhammaanba kooxaha heerka koobad.

Ciyaartii ugu xiisaha badneyd ayaa galankii dambe ee shalay dhexmartay Naadiyaasha  Comsed Football Clubs iyo dhigeedda Yamays Football Clubs.

Ciiyaraha.Gaal

Dadka daneeya kubadda cag ee magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn u sugayay ciyaarta dhexmartay labadaan koox oo ka mid ah kuwa loogu daawashada badan-yahay,waxaana kulankaan guul muhiim ah gaaray naadiga Comsed Football Clubs.

Ciiyaraha.Gaal1

Dadweyne farabadan ayaa u soo daawasho tagay ciyaartay oo guushii ugu horreeysay ay gaartay Comsed Football Clubs,waxaana ay ku soo dhammaatay 3-gool iyo wax-ba 0,halkaas oo ay guusha ku raacday Naadiga Comsed Football Clubs,

Ciiyaraha.Gaal2

“Waxay noo ahayd guul muhiim ah,waxaan raadineynay guushii ugu horreeysay ee tartan,ciyaartoodya waxay soo bandhigeen ciyaar wanag soo jiidatay dadka oo dhan,”ayuu yiri guddoomiyaha Naadiga Comsed Football Clubs ,Cabdiqani Khaliif Carabay.
Kooxaha heerka koobad ee magaalada Gaalkacyo oo ka kooban 10 kooxod iyo maamulka ciyaaraha magaalada Gaalkacyo ayaa iska kaashaday qabsoomida tartankaan.
“Waxaan ka dooneyna in dhallinyarada ay ku mashquusho isboortiska,maadaama dhibaato badan ay xilligaan hor yaallan,haddana tartanka waxuu maraya meel wanagsan oo kooxha heerka gurub-yadda ayay ka soo gudbayaan,”ayuu yiri Cabdi-hodan Dayax-leef guddoomiyaha isboortiska gobolka Mudug.

Xarunta gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo waxaa ay ka mid tahay meelaha sida weyn looga qadariyo isboortiska oo haddana taarikh dheer ku leh.

Ciiyaraha.Gaal4

Ciiyaraha.Gaal7

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7