Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Magaaladda Afgooye Sabab?

Posted Date: 18 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in xalay lagu dilay nin Nabadoon ah oo si wayn looga yaqaaanay degaanada maaamulka konfur Galbeed Soomaaliya.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Haabiil Abuubakar, waxa uuna kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada maamulka koonfur galbeed ku soo doortay magaalada Baydhabo.

Marxuunka ayaa waxaa lagu dilay xili uu kusugnaa goob Ganacsi uu ku lahaa gudha degmada Afgooye gaar ahaa aga gaarka Buunda yar waxaana dilkiisa geestay dhalinyaro ku hubaysan Biskoolado oo dilka kadib goobta iskaga baxsaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Dilka nabdookaan ayaa waxa uu qayb kayahay dilal qorshaysan oo mudooyinkan danbe ka dhacayay gudaha magaalada Afgooye ee Xaruunta Gobalka Shabeellaha Hoose.

Allidamaale