Nabadoonada Gobalka Nugaal iyo Guddiga Nabad galiyada oo qodobo soo saaray

Posted Date: 10 Jul 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Shirar wada tashi ah oo muddo u socday Caaqilada iyo gudiga horumarinta Caasimadda Puntland ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii loo soo dooran lahaa gole degaan oo ka soo bixi kara ama ka soo dhalaali kara wajibaadka shaqo ee sugaaya, sida

Nadaafadda magaalada
Sidii qashinka loo maarayn lahaa
Fayadhowrka loo sugi laha
Bilicda Garowe loo hagaajin lahaa
Adeegyada bulshada loo tayayn
Amniga loo sugi lahaa sharcigana loo fulin lahaa
Sidii dhalinyarada shaqa abuur loogu samayn lahaa
Xoojinta ilaha dhaqaalaha ee caasimadda iyo suuqgeynta wax soo saarka Garowe iyo degaanada kuxeeran
Nidaaminta dakhliga dowladda hoose iyo isla xisaabtanka hufan.
Ilaalinta Dhaqanka suuban
Haddaba si loo fuliyo shaqooyinkaas waxaa lagama maarmaan ah in lahelo gole deegaan oo leh karti iyo xirfad ay ku fuliyaan howlahaas a kor ku xusan, waxay caaqilada iyo gudiga horumarintu isla qaateen in xubin kasta oo golaha degaanka ka mid noqonaysa buuxiso shuruudahan:

Waa inuu yahay qof sumcad fiican bulshada dhexdeeda ku leh xag aqlaaq iyo dabeecadba
Waa inuu ku caanyahay aaminimo iyo hufnaan
Waa inuusan qabin xanuun ka hor istaagi kara inuu shaqadiisa gudan waayo, balwadna uusan lahayn
Waa inuu diyaar u yahay inuu ku shaqeeyo tabaruc dhaqaale ahaana isku filan yahay, xaalad dhaqaalena uusan u gelin golaha
Wa inuusan gelin denbi haystana warqadda denbi la,aanta
Wa inuusan hadda u shaqayn dowladda hoose marka laga reebo masuuliyiinta ku meelgaarka ah
Waa inuu leeyahay xirfad dabooli karta ugu yaraan mid ka mida adeegyada dowladda hoose qabato uuna fikir buuxa ka haysto hadafka iyo himilooyinka dowladda hoose hiigsanayso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale