Odayaal dhaqameed baahi darteed u geeriyooday Galgaduud

Posted Date: 17 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Waararka ka imaanaya Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay gaajo iyo haraad dartii ugu geeriyoodeen Labad oday dhaqameed.

Odayasha ayaa si aad ah looga garanayey deegaanka Baxdo waxaana saameyn aan wanaagsaneen ku yeeshay Abaarta ka jirta Gobolada Dalka waxaana Odayaasha la sheegay in ay waayeen wax ay jadiinka “Dhiinta Mariyaan” oo biyo iyo raashiin ah Mudo badan.

Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud waxaa ay ka mid tahay deegaanada sida daran ay abaarta ugu dhifatay waxaana bil ka hor deegaankaasi isku dal dalay nin dhalinyaro ahaa oo la sheegay in abaarta ay uga le’deen Xoolo uu lahaa.

Waxaa si badanaya dhacdooyinka murigada leh ee laga soo sheegayo abaarta Soomaaliya e ku dhifatay gobolada dalka , bartamaha , Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya .

Allidamaale