Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta oo tariikhdu tahay 4 August 2018 waxaa uu saagootiyey ra’iisul-wasaraaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Madaxda Jaamacadaha Gobolka ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Xarumaha Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Wararkii u dambeeyay aan ka helayno ciidamo Boolis ah oo saaka gudaha u galay xarunta Wasaaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si ay usoo xiraan Wasiir Kuxigeenka W/Arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud iyagoo watay amar Maxkamadeed.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 04 August 2018 ka qayb galay xuska sanad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Puntland 01 August 1998.
Halkan ka daawo Munaasabada dabaal dagga 1 ogoosto oo hadda Toos uga socotaa Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland gaar ahaan jaamacada PSU ,waxaana madasha ku sugan Madax kala duwan.
Xarunta Jaamacadda PSU ee Garoowe waxaa mardhow ka bilaabanaysa munaasabada loogu dabaal dagayo 20-sano guuradii kaso wareegtay markii Puntland dhidibada loo taagay iyado caawa munaasabada ay ku suganyihiin wafuud kala duwan .
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariihdu tahay 3 Agust 2018 waxaa uu magaalada Garoowe ka daahfuray Dood-Cilmiyeed loogu magacdaray Doodaha Xagaaga.
Madaxweyne Kuxigeenka Puntand, Injineer Camay, oo ka jawaabaya tacsida Somaliland ee qaraxii lala beegsaday nin-doorka Buuhoodle, ayna ku dhinteen Cabdifataax ina Rodman iyo Axmed Maxamed Doolaal, ayaa yiri, “haddaaba adigu soo abaabushay sabab aad tacsi uga dirtaa ma taalo.” Camay ayaana si bareero ah qaraxa Buuhoodle ugu eedeeyey maamulka Somaliland.
Musharaxa Madaxweynaha Puntland Maxamed Cali Qurbaawi oo shir jaraa’id ku qabtay Dalka Maraykanka ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso qarixii xalay kadhacay Buhoodle,safarka RW khayre ee Puntland iyo Arrimo kale oo Xasaasi ah.
Shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah iyo wasiirrada dawlad gobaleedka Puntland oo uu shir-gudoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta (Khamiis 2-da Agoosto 2018), ka qabsoomay xarunta Puntland ee Garoowe.
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Amniga gudaha dawlada federalka Soomaaliya oo kusugan magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland ayaa maanta booqday Xarunta Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee Garowe.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu ka Tacsiyeynaysaa Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdifataax Maxamed Cali iyo Marxuum Axmed Maxamed Doolaal. oo ahaa siyaasiyiin reer Puntland ah oo xalay ku geeriyooday qarax lala beegsaday, iyagoo ku sugan Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 Agust 2018 waxaa uu kulan laqaatay Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa dhaliilay tallaabadii Ra’iisul Wasaare Kheyre uga baaqsaday dhagax dhiggii Dekeda Garacad ee Gobolka Mudug, xilli Ra’iisul Wasaaruhu booqasho ku joogo Puntlnad.
Magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland shir ay isaga horyimaadeen xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya,Raysal wasaaraha iyo Madaxda Puntland oo Fiidnimadii hore Khilaaf ka taagnaa ayaa laysku raacay qaar kamid ah Qodobada.
Iyado manta ay ku beegantaya 20 sano guuradii Kaso wareegtay Aas Aaska dowladda Puntland ayaa degaanada kala duwan ee Puntland waxaa lagu qabtay munaasabado lagu waaweynaynay 1 Ogoosto.
Siyaasi Cali Xaaji warsame oo ku sugan magaaladda Garacad ee gobalka Mudug ayaa ka hadlay dhagaxdhigi dekadda Garacad oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyin kala duwan oo u ugu horeyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo issimo Puntland.
War-saxaafadeed ay soo saareen Murashixiinta u loolamaysa Madaxtinimada Puntland ee ku midoobay Focus Group aya si adag uga hadlay safarka Khayre iyo arinka Dekedda Garacad.
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin-jebisay kulyadaha kala duwan ee jaamacadda Puntland (PSU) ayaa ku dhiirri geliyay qalin-jebiyaasha in aqoontooda ay ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Feb 26, 2017
Jul 26, 2016
Jul 12, 2016
Jun 01, 2016
Jun 01, 2016