Qabyaalada Somalida qaarkood iyo Sakhraan socodka qoraaladooda.

Posted Date: 03 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Hadii aad aragtid qof dariiqa socda oo dhacdhacaayo marbana dhinac u leexanaayo oo aan toos u socon karin qaladaad badana sameenaya, waxaa sameen kartaa in aad qofkaas caawiso oo aad hagtid ama wax u sheegtid waanisidna, Qaadi hadii aad u aqoonsatid in uu yahay qof walaalkaa ah oo soomaali ah. Laakiin waa adagtahay in aad hagtid ama wax u sheegtid qof aadan u jeedin qoraaladiisana ay yihiin sakhraan qoraal.

Saan wada ognahay wadankeena Somaaliya waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, dagaalkaas sokeeye wax yaalo badan buu sababay, wax yaalahaas waxaa kamid ah in la bililiqeysto xitaa title-dii ama ciwaanadii shaqsiyaadka ahaa sida Dr, Avv, Eng, Shiikh, General, Colonel iwm. Maadaama uusan wadanka ka jirin dowlad adag iyo institutiono diwaan kaliya lana socda title-daan in ay sax yihiin iyo in kale.

Dadka noocaas ah waxaa ka mid ah shaqsi isku magaabay Avv. Dr. Cabdulqadir “Tallman”. Ninkaan asaga ah amaba gabadhaan, sababta oo ah internetka qof walba wuxuu rabo ayuu sheegan karaa ama magac kasta ayuu la bixi karaayee, wuxuu soo qoray oo uu websideyada soomalida qaarkood soo galiyay, qoraal aan saas u sii badneen laakiin iska hor imaadkiisa uu aad u badan yahay. Waxaan kasoo qaadanaya dhowr qodob oo cadaynaya sakhraan qoraaleedka aan kasoo hadlay.

1: Wuxuu yiri dagaalkii sokeeye ee Somaaliya waa lagu kala adkaaday, cidii ku adkaatayna cidna uma joojinayso oo say rabto ayay wax ku maamuli. Hadana wuxuu isla maqaalkaas ku yiri dowlada somaaliya waxaa hor taagan oo ay ka socon la dahay beesha Majeerteen. Hadaba see macquul ku tahay dad uu ku sheegay in laga raayay ay wax hor istaagaan. Mida kale dagaalka Somaaliya hadii lagu kala adkaaday ma kula ahaan laheed in Xasan Culusoow markii uu Puntland yimaado calanka Puntland sanka laga galin lahaa? Hadii dagaalkii Somaaliya lagu kala adkaaday, ma kula ahaan laheed in Somaaliya shirweynayaal caalami ah oo tiro badan oo dowlad loogu soo dhisaayo loo qaban laahaa?

Dad kala raayay soo cida raysay wadanka dhan ma hanan laheen, mise tuugsi baa dibada loo wareegi lahaa ayadoo caalamka la leeyahay ciidan wadanka hanta noo dhisa.

2:Wuxuu kaloo yiri beesha Majeerteen ayaa caalamka dacwo ku wareerisay oo dowlada Muqdishu ay ka socon waysay. Horta marka hore wax iska cad qaladaadkooda ma u baahna in laga hadlo amaba farta lagu fiiqo, dowlada hada Muqdishu joogtana waa iska sidaas.

Somaalida iyo caalamkaba waa u jeedaan oo waa ka marqaati in ay qaldanthay. Mida kale hebel “tallmaanoow” waxaad ka hadashay wax aad ku sheegtay beel awoodeeda, marka su’aasha waxaa weeye goorma ayaa waxa laga soo baryo caalamka oo magaca Soomaali lagu soo baryay sida hub iyo dhaqaale ay noqdeen awood eey beel gaar ah leedahay.

Hadii xitaa caalamka la yiraahdo hubkaan iyo hantidaan magaca somaaliyeed lagu soo qaadayo sii qalad ah ayaa loo isticmaalayaa ee hala joojiyo.

Taas wax qalad ah ma ahan. Ogoow hubkaan iyo dhaqaalahaan lagama keenin Dhuusomareeb, Beledweyne iyo jowhar, mana ahan awood beeleed, waxaa fiicnaan laheed maadaama aad beel awoodeeda aad weyneysay in aad ku egaatid beeshaas awooda aad ku sheegtay adoo dhihin caawimo caalamka ah ayaa la joojiyay. Waxay ahayd in aad ku kalsoonaatid awooda aad sheegtay in ay beeshaas leedahay. Caawimaanta caalamkana aadan sheegan iskuna haleen.

4: Waxaad tiri qof aan reer Muqdsiho aheen hadii madaxweyne loo doorto see Muqdisho ugu sheqeen doonaa? Wadanka Muqdishu kaliya ma ahan, Madaxweyne reer Muqdisho ah sidee ayuu Somaaliya inteeda kale ugu shaqeen karaa ayaa markaas imaaneesaa.

Tan kale waxaad ogaataa in dowlada maanta joogta Muqdisho, eeysan awood ku laheen inta ka baxsan Muqdisho, taasna ani uma aqaani guul iyo cid baa raysay, laakiin hadii aad guusha iyo rayska u taqaanid shacab aan hubeesneen ayaa Muqdisho oo looga badan yahay ayaa lagu layaay waa, waana laga soo saaray iyaga oo aan ku tala galin dagaal isna dhahaayay dowlad cusub ayaa la dhisi doonaa mar hadii ay tii hore eey meesha ka baxday, hadii aad taas adi u taqaanid guul, taas yaab ma leh oo shacabka somaaliyeed isku dhaqan ma ahan.

Dad baa xumaanta faan u yaqaana. Ugu danbeeyn gunaanadkii, waxaad ogaataa Muqdsiho maanta waxay magaalo madax ku tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis, laakiin hadii ay fowdada iyo jaahilnimada saas kusii socoto waxaa imaaneesa in calaamad su’aal la galiyo maagaalo madaxnimada Muqdisho, Ilaahoow muu xitaa xalka uu noqdo 5 tii sanaba magaalo kale halaga dhigo magaalo madax. Ogoowna waa arin aad u fudud in magaalo madaxda la geeyo meel istaahisha oo nabad ah. Taas hada waa laga aamusan yahay laakiin hadii ay taas ay dhacdo amaa hadana warqad dacwo iyo cabaad iskugu jirta aad soo daabacdaa.

Wa Bilaahi Towfiiq,

Cabdirashid Osman Cabdirashid1995@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7