Qiso dhab ah: askari Ugandhees oo Xiniinyaha igu dhagay ayaa iguyiri Are these explosives

Posted Date: 16 Jul 2015   in: Maqaalo,news     Comments Comments

Maalmahan waxaa dalka oo dhan ka socda u diyaar-garowga Ciidul-Fidri. Waxaad meel walba ku arki dadka oo ku sii qul qulaya dukaamada dharka iyo maqaayadaha raashinka mac-macaanka lagu iibiyo. Hase yeeshee, Xamar waxaa u dheer iyada oo mar kale u diyaar garobeysa cayaarta “Xaniinyo ka Taabasho”.

Waxaan bishan oo dhan joogay magaalada Muqdisho, oo aan ka maqnaa muddo afartan sano ah.

Waxaan hadda joogaa degmada Xamar Jajab, gaar ahaan xaafaddii loo yaqaanay Xisbiyada oo saaran jidka Via Roma.

Dadkii aan ku aqiinay badankooda ma joogaan. Dad yar ayaan ka gartay asxaabtii hore, oo dalkii aan ka bixin.

Sheekh Naadiyow Nuur Baabakar ayaa ka mid ah dadkii hore, oo hadda si fiican iigu soo dhaweeyey Xamar.

Sheekh Naadiyow wuxuu igu soo wareejiyey meelihii aan yaraantii banooniga ku ciyaari jirnay, sida banaanka Scoule Commerciale, barxadda Saabuuni iyo meelo kale oo hadda si kale ah.

Waqtiga taraawiixda ka dib aniga iyo Sheekh Naadiyow waxaan luga-baxsi ku sameynaa xaafadda gudaheeda, annaga oo ka sheekeysanna sheekooyin waayo waayo ah (nostalgic).

Badanaa ilmo ayaa indhaheyga soo istaagta markuu iiga waramo dhibkii ka dhacay xaafadda 25-tii sano ee u dambeeysay. Dhac, kufsi dil, iyo bah-dilid wax aanan ka dhicin xaafadda ma jirto ayuu igu yiri saaxiibkay Naadiyow.

Waxyaabihii uu ii sheegay waxaa iigu yaab badnaa sheeko uu ii sheegay Sheekh Naadiyow labo habeen ka hor. Waana tan igu kalliftay inaan qoro maqaalkan kooban.

Sheekada aniga (Mudane Afar Indhood) iyo saaxiibkey Sheekh Naadiyow sidan ayeey u dhacday:

Bacda taraawiix ay ahayd. Aniga iyo Naadiyow waxaan lug dheer ku marnay xaafadda gudaheeda, wax badanna waa ka sheekeysanay. Ka dib ayaa Naadiyow sheeko iga yaabisay furay oo igu yiri:

Naadiyow: Widaayow youm ciid aa soo dhow.

Afar Indhood: Saaxiibow waa ogahay ee berri aan isu raaceenaa suuqa.

Naadiyow: Widaayow shopping ma kaala hadlooyo. Alxamdulilaah xaqul-ciid igu filan aniga iyo caruurtayda waa heesanaa.

Afar Indhood: Saaxiibow maxaa kale oo jiraa?

Naadiyow: Widaaygay facsharka Xamar ka taagan hadal ma lagu soo koobi karo.

Afar Indhood: Saaxiibow Ibnu Adam is waayey arin aa kala geesay ee warka i sii.

Naadiyow: ma ogidow Ciidu-Fitrigii sannadkii hore bishan camal ee July ay ku soo aaday?

Afar Indhood: Waa ogahay; maalin Isniin ah, oo July 28 ah, ay ku soo aaday sannadkii hore Ciidda.

Naadiyow: Widaayow, Salaaddii Ciidda aan u jarmaaday, ka dib markii koob qaxwe iyo lama xabo oo moos ah aan ku af bilaawday. Masjidka Isbaheysiga aan socod boobsiis ku tagay, si safka dheer aan hore uga galo.

Afar Indhood: Safka dheer maxaa waaye?

Naadiyow: Saaxiibow warba ma haysid. Ciidamo AMISOM aa Masjidka joogto, Waa la is baaraa.

Afar Indhood: Yacnii, waxaa ka wadaa madaxda Villa Somalia aa imaaheeso oo ku tukaneyso Masjidka.

Naadiyow: Saas camal. Safka hore aan galay ciyowdii. Markii la isoo gaaray, askari Ugandhees ah aa taataabasho igu boobsiiyey saaxiibow.

Afar Indhood: Yacnii hub aas kaa baaraa?

Naadiyow: Haa. Widaayow, waxaan watay kabo sandal ah, matanti (mutande), macawis, shaar cad oo gacmo dheere ah iyo cimaamad yar oo garabka ii saaran bes. Wax kale ma wadan.

Afar Indhood: Haye.

Naadiyow: Widaayow, askarigii Ugandheeska ahaa waa i xaniinyo (xiniinyo) taabtay.

Afar Indhood: See camal?

Naadiyow: Baaritaanka lugaha aas iiga soo bilaaway; ka bacda labada tafood dheexdiisa aas gacanta geliyey, kor aas u socday.

Afar Indhood: Haye!

Naadiyow: Waxaas ku dhagay lamadeyda xaniinyo, ka bacdi aas kor ii soo fiiriyey, asoo qoslaayana igu dhahay: Are these explosives?

Afar Indhood: Yaah!

Naadiyow: Waa i maqashay. Anoo dhidid weyn iga da’aaya aan ku dhahay: What the f**k are you doing on my dangling testicles?

Naadiyow: Waxow i dhahay: Wow, you speak good English. Askari kale oo dhinaca taagnaa aa markiiba gacmo duub ii qabtay; dhinac aa la ii leexsaday. Waxaa la i dhahay, “Adiga baarid kale aa lagugu sameehaa”.

Afar Indhood: Ka bacdi!

Naadiyow: Intii aan dhinaca taagnaa, waxaan arkay ilmo badan oo saddex jir ilaa toban jir ah oo iyakana la xaniinyo taabsaday. Xitaa, ciyaalka qaar waa diideen in la xaniinyo taabto, waana qeyliyeen. Ciyaalkaasi kulli toys-kii ay wateen xitaa waa laga qaaday.

Ka dhameyso Shakadii Linkga Hoose.

http://allidamaale.com/Xaniinyo%20Taabasho2.pdf

Allidamaale