QM oo War Culus kasoo saartay Kooxda Alshabaab sababtu Maxay Tahay ?

Posted Date: 17 May 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Kooxda AlShabaab ayaa ka faa’ideysan weysay cafis uu madaxweynah DFS ufidiyay hadii ay dagaalka kasoo laabtaan isla markaana ay dowladu daryeeli doonto.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda AlShabaab isagoo tilmaamay ineysan diyaar u aheyn iney ajaanib iyo dad dano shisheye wada ay kasii dagaalamaan Soomaaliya

Inkastoo, madaxweyne Farmaajo laga sugayo inuu ka dhabeeyo balantiisii aheyd in labo sano AlShabaab guud ahaan Soomaaliya laga saaro, hadana kooxda AlShabaab ayaa wali fulineysa weeraro badan oo shacab lagu laayay.

Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay iney adag tahay in kooxda AlShabaab ay ka jawaabaan oo ay ogolaadaan cafiskii madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Keating ayaa sheegay in xalka ugu dambeeya ee AlShabaab looga adkaanayo inuusan aheyn in loogu baaqo iney dagaalka joojiyaan.

Allidamaale