Qormo:- Halyeeygii u kacay Umadda Somaliyeed

Posted Date: 27 Nov 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Markaan arko Madaxweynahayga Farmaajo,markaan arko raysal wasaarahayga Khayre,markan arko wasiir Bayle,markaan arko,golaha labada aqal,markaan arko hay adaha amaanka,markaan arko Caasimada dalkayga nabada iyo hormarka,markaan arko quruxda shacabka soomaaliyeed waxaan dareemaa POWER awood iyo in xaniinyahaygii soomaaliyeed soo ceshayday.

Waxaan rabaa in aan shacabkayga soomaaliyeed xasuusiyo,in aynu leenahay taariikh filweyn,oo aan kaga badalanahay,shanta qaaradood ee aduunka,waxaynu leenahay dhaqanka uugu sareeya aduunka,waxaynu nahay dad gob ah. markaynu ahayn dawlada waxaa inaga cabsan jiray labada quwadood ee aduunka uugu xooga iyo aqoonta badnaa waa ussr midawgii soofiyeeti iyo maraykan,oo aynu iska diidnay in wax naloo yeeriyo iyo daciifnimo kabaqaad.

Waan hadaloo waxaan niri,gaajo gobonimo leh ayaan ka dooranay dharag ah gunimo.qaarada afrika ninka kaliya ee afkiisu u qaran yahay waa inaga.Markaynu iska burburinay dawladnimadeenii iyo qaranimadeenii ayaa habarwalbaa isku keentaagtay. Geesiga inoo kacay maanta waad aragtaan in dawladihii caalamku inoo baratamayaan nin walbaana arji uosoo qortay soomaali ah ilaheshii.

Raga aqoonta leh ee reer galbeed waa sheegeen waxayna saadaaliyeen in mudo yar afrika ay soomaali majaraha u qabanayso siyaaso iyo dhaqaalaba. dawladeenu waxay noqotay maamulada caalamka ka jira kuwa uugu horeeya ee aan lahayn musuqmasuq,taasoo sababtay in bankiga aduunka iyo dawladaha caalamku si toosa lacaga ugu soo shubaan,lana galaan heshiisyo aamin dawladeed ah. waxaa laga yaabaa in aad istiraahdo sideen dawladaha dhisan ee nidaamkoodu fadhiyo ee ay kajiraan isla xisaabtanka aynu uuga horaynaa?

Waxaad fahantaan dalkeenu halka uu taagan yahay,iyo waxa uu soomaray,iyo xiliga dawladaani xilka qabatay,hadaba hadaad intaa fahantay qiimayntu waxaa weeye dal 30 sanadood baa basanaa,sidee maamulkoodu durbadiiba u sameeyeen xakamayn dhaqaale iyo ladagaalan musuqmaasuq. maxaad filaysaa haday dawladu hanata dalkoo dhan?

Qiimayntu waa midaas dal baabasan oo kabanaya iyo dal dhisan marka kii kabanaayay dakhligiisa quruxsado oo nidaam samaysto dhaqaale ku baxa halkii loogu talagalay uun wax la tartami karaa majiro weeye.

Dadka soomaaliyeed waa dad hawlkara,ganaacsato ah,deeqsi ah,qalbi furan dad la dhaqan leh,haday caasimadooda dib u dhisan,haday beerahooda maal gashan,haday badahooda khayraadka kala soobixi oo dhoofin,haday ciidankooda garab istaagi,haday amaanka dalkooda hanan.

Soomaali haday gacmaha isqabsan cid hor istaagi kartana majirto soomaali isku duuban. Guriga laga xukumo afrika waxaa laga dhisayaa MOGDISHO kan islaamkana waxaa laga dhisayaa MOGDISHO kan carabtana MOGDISHO turkikaa dhisaya dhulkiina waa loo calaamadeeyay. Muda yar aduunkaan xukumaynaa.

Madax weynaheena Farmaajo waa nin qableh,han sare leh,iskula wayn soomaalinimadiisa jecel dalkiisa iyo dadkiisa. waana midii lagu yaqiinay waligeedba dadka soomaaliyeed. dalkeenu waa dal hodan ah dhan bad dhan beer dhan xoolo dhan macdan iyo dahab dhan shidaal waa in aan ka faa iidaysanaa si aan aduunka wax uuga badalo.

Waxaa jira dad yar oo soomaaliyeed oo gun ah,waayo? marabaan in ay indha hoodu arkaan,soomaaliya oo dawlad ah leh nidaam iyo kala danbayn,marabaan in ay arkaan soomaali quruxbadan oo nool,waxay jecel yihiin u shaqaynta cadawga soomaaliyeed iyo shisheeyaha,wadaniyad malaha dalka oo dhan way gadanayaan haday fursad u helaan.

dalkeena waxay la jecel yihiin ceeb iyo dawlad la aan iyo dagaalo iyo qabiil iyo hoog iyo halaag. kuwaa waa in aan iska qabanaa shacab iyo dawladba oo meel uuga soo wada jeed sanaa.

Soomaaliyeey walaalayaal aan dalkeena dhisano dadkeena badbaadsano caruurteena ciilka aan kasaaro.

W/Q yuusuf Cumar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7