Qoysas Ka soo Qaxay Gobolka Oromada Ethiopia oo Garoowe Soo Gaaray

Posted Date: 12 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Caasimadda Garoowe ee Puntland waxaa maanta soo gaaray qoysas ka soo qaxay colaada u dhaxaysa qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalkaasi Ethiopia, Qoysaskan ayaa ka yimid degaanada is-maamulka Oromada oo ay deganaayeen muddo qarniyo ah.
Saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamnka Pl iayaa duleedka magaaladda ku soo dhaweeyay, Halkaasi oo laga dejiyay Baabuur nooca xamuulka qaada oo qoysaskani ay la socdeen

Qoysaskan qaxootiga ayaa ka koobnaa 81 qof oo u badnaa dad waayee ahl , haweeen iyo Caruur yar yar ah , waxayna degaan ahaan asalkoodu ka soo jeeda gobolka Sanaag ee Puntland, halkaasi oo dib ugu laabanayaan muddo dheer ka dib gaar ahaan degaank Raat oo dib dejin loogu samayn doono

xildhibaanada Barlamaanka Puntland qaybtooda ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ka codsaday Saraakiisha amniga iyo baraha kontoroolada inay u fududeeyaan qoysaskaasi inay gaaraan degaanka ay u socdaan.

Colaada u dhexeysa Oromada iyo Soomaalida ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof oo Soomaali ah, waxaana ku barakacay Kumaankun qof oo u soo kaxay dhinaca maamulka Soomaalida Ethiopia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale