Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Somaaliya oo Shir muhim ah kaga qayb galay Dalka India

Posted Date: 09 Mar 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka India,halkaasi oo ay uga qeybgalayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

Wafdigga ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka waxaa ka mid ah xubno ka kala tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arimaha dibadda.

Wafddiga Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa Magaalada New Delhi ee Dalkaasi India uga qayb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo ka faa’iidaysiga Tamarta cadceeda, kaa soo ay wada jir u soo agaasimeen dalalka Hindiya iyo France.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale