Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta Booqday Xarunta Wasaarada Maaliyadda ay ku leedahay Magaalada Muqdisho

Posted Date: 19 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Xasan Cali Khayre Raiisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya ayaa maanta waxa uu booqasho kutagay Xarunta Wasaarada Maaliyada ay ku leedahaya magaalada Muqdisho waxaa halkaasi uu kula kulmay shaqaalaha wasaarada Maaliyada soomaaliya oo watay shaqo maalmeedkoodii Caadiga ahaa.

Raiisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya ayaa mid mid u Booqaday Xafiiyada ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya waxa uuna la kulmay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaarada oo waxbixino ka siiyay sida ay shaqada u socoto.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in uu booqan doono dhamaan xafiisyada Wasaaradaha Dowlada si uu u ogaado Wasaaradaha Shaqaynaya iyo kuwa aan shaqayneen .

Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu sii wadi doono Booshada uu ugu kuurgalyo Shaqada dhamaan wasaarada Xukumada Soomaaliya

Hooa Ka Daawo Sawrro

Allidamaale