Roob Lixaad leh oo ka’ay Gobalka Bari & dad ku dhintay

Posted Date: 10 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa Roobab Mahiigaan ah ay ka da’een Deegaano Hoos Taga Gobolka Bari ee Soomaaliya.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Cali Jaamac Jibriil oo ah Gudoomiyaha Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari oo nala soo xiriiray ayaa Ka warbixiyay Qasaare Hantiyadeed iyo Mid Nafeed oo ka dhashay Roobabkaasi,

Gudoomiyuhu wuxuu Xaqiijiyay Geerida Hooyo Laheyd Uur 8 Bilood ah iyo Gabar ay dhashay oo la sheegay iney ahaayeen dadka reer guuraaga ah ee deganaa Deegaanka Ufeyn ee gobolka Bari,

Gudoomiyaha ayaa sheegay in roobka Xoogiisa uu bilowday Shalay Galab kaas oo Ilaa xalay si xowli ah oga da’ayay Deegaanada Teedsan Gobolka Bari.

Ugu Danbeyn ayuu Ugu Baaqay Masuuliyiinta Puntland iyo Shacabka soomaaliyeedba in loo soo Gurmado deegaankaasi oo hadda ay Daadad Go’doomiyeen, Waxaana xiran Wadooyinkii Muhimka ahaa ee soo Galayay Deegaankaasi.

Allidamaale