Saraakiil ka tirsan ciidamada amniga DPL oo ka bad baaday weerarkii Xalay ee Muqdisho

Posted Date: 11 Jul 2015   in: news,Puntland     0 Comments

4-Saraakal ka tirsan ciidamada nabadgalyada dowlada Puntland oo weerarkii caawa ee lagu qaaday Hoteelada Muqdisho ka bad badaay, kadib markii ay Kooxda Al-Shabaab qabsadeen oo la wareegeen gacan ku heynta Hoteeladaasi.

Saraakiishaan  kasocday dowlada Puntland ayaa maanta galinkii danbe soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay kaga qeyb galayeen Shir ku saabsan is dhaafsiga xogaha amniga iyo wada shaqeynta Heyadaha amaanka Soomaaliya.

Saraakiishaan oo ka sugnaa caawa xiligii Afurka hoteel Siyaad oo ku yaala meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta madaxtooyada Muqdisho iyo wadada Maka-Akmukarama ayaa isugu jiray Saraakiil ka socday PIS-ta, CID-da iyo waaxda Tababarada ciidamada Bileyska qeybta ka hortaga danbiyada ee Xaruynta Tababarada Bileyska Soomaaliya ee Carmo.

Lama ogo in Bartilmaameedka weerarda Hoteelada Muqdisho ahaa Saraakiisha dowlada Puntland iyo inkale, balse waxaa lawada ogyahay in weerarada Muqdisho ka dhaca inta badan lagu laalyo oo kaliya Saraakiisha Reer Puntland ee booqashada gaaban Xamar ku gaara.

Sida aan ku helanay wararka hoose Saraakasha Puntland ayaa qorshu ahaa in ay ku sugnaadaan Xamar mudo sadex maalmood ah, balse laga yaabo in ay kasoo gaabiyaan intii qorshu ahaa, maadaama la beegsaday Hoteelkii ay ku sugnaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7