Saraakiil ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Suudaan

Posted Date: 09 Dec 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca, ee loo yaqaanno helikobtarka ah ayaa ku burburtay bariga dalka Suudaan, iyadoo halkaas ay ku dhinteen barasaab gobol iyo ugu yaraan afar sarkaal oo kale.

Helikobtarta ayaa qaraxday ka dib markii ay ku dhacday mid ka mid ah biraha dhaadheer ee isgaarsiinta, xilli ay isku dayeysay iney ku dagto gobolka Al-Qadarif, sida ay dad goob joogeyaal ah ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhowr qof ayaa loo qaaday isbitaallada, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda oo aan faahfaahin dheeraad ahna bixinin.

Wararka ayaa intaas ku daray in dadka dhintay ay ka mid yihiin barasaabkii gobolka Al-Qadarif oo lagu magacaabi jiray Mirghani Saleh, madixiisii golaha wasiirrada, taliyaha booliska gobolka iyo wasiirkii beeraha ee maamul goboleedkaasi.

Qalabka ciidamada milatariga ee dalka Suudaan ayaa waxaa ka mid ah diyaarado qumaati u kaca oo ay horay uga soo iibsadeen maamulkii hore ee midowgii soofiyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7