Wariye Ku xirnaa Magaaladda Garowe oo Maanta Dib u Helay Xoriyadiisa (Sawiro)

Posted Date: 12 Aug 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maxkmadda gobolka Nugaal maanta ku siideysey damaanad kadib markii ay caddaatey in muddo 6 maalmood ah uu u xirnaa isaga oo aan la dacweyn maxkamadna aysan xukumin.

Subaxnimada maantey oo Sabti ah ayaa Cumar Dheere la geeyey Maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii amar ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamadda ee ururka MAP dacwadda u gudbiyey

Maxkamdda ayaa damaanad ku siideysey Cumar Dheere ilaa la helayo cidda dacweysey ee xirtey ,waxaana wariyaal ka hadleen sii daysamada wariyaha shegeen in cumar sharci daro lagu xiray laguna sii dayeey.

Siideynta Wariyaha ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay dhamaan Wariyaasha ku sugan Magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland

Hoos Kadaawo Sawiro ku saabsan wariyaal sawir la galay cumar markii lasii dayeey ,Wariye Cumar dheere waa ninka Maaliyada calanka somaaliya xiran.

Allidamaale