Saynab Ugaas Yaasiin oo Loo Magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Maaliyada Puntland

Posted Date: 13 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland ayaa loogu magacaabay Saynab Ugaas Yaasiin Wasiir kux-igeenka wasaarada Maaliyada Puntland, waxayna bedelaysa C/salaan Bashiri c/Salaan oo loo doortay Duqa degmada Bosaso.

Saynab Ugaas Yaasiin oo ka soo jeeda guri Saldano ayaa hore u soo noqotay xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka Puntland, Wasiir ku-xigeenka haweenka iyo guddigii doorashada barlamaanka Federaalka, waxay kaloo soo qabatay jagooyin kala duwan.

Halkan ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Septembar 2018 ku magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 121 September 13, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoonteeda iyo khibradeeda shaqo

Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Waxuu Xeeriyey:

Waxaa Saynab Ugaas Yaasiin loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu
-DHAMMAAD-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale