Sh.Nuur Baaruud: “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto”

Posted Date: 03 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ka sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada.

Sheekh Baaruud ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo.

Allidamaale