Shaakir oo soo dhaweeyay Gogosha Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Dowlad Gobaleedyada

Posted Date: 30 Oct 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Galmudug ay soo dhawayneyso gogoshii Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada, si loo soo afjaro khilaafka.

Warqad Qoraal ah oo Xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug ayaa lagu sheegay in Maamulku uu Taageerayo soona dhawaynayo Baaqii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed ee ahaa in laga soo qaybgalo Gogosha ka fidsan Muqdisho taasoo lagu xalinayo Tabashooyinka Maamul Goboleedyada Dalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay Warqada in Galmudug aqoonsan tahay Jiritaanka Dawladnimada iyo Madaxda Qaranka sidoo kalana uu Maamulku ka qaybqaadan doono Xalinta Maamulada wax tabanaya.

Dhinaca kale War-saxaafadeedkan ayaa waxa uu qeexayaa in Muhiim ay tahay in Meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada Al-shabaab sidoo kalana aan la hilmaamin 14kii October oo Maalintii Nabadiidku Xasuuqay Shacabka Soomaaliyeed.

Go’aanka Sheekh shaakir uu kula saftay xukuumadda uu hoggaamiyo xasan Cali Khayre ayaa imaanaysa ka dib markii uu shalay madaxweynaha Gal-mudug ka dhoofay Garoowe isagoo u kicitimay Dhuuso-mareeb, waxaana muuqata in Madaxweyne Xaaf uu lumiyay saldhigiisii u weynaa ee Dhuuso-mareebo , iyadoo xaruntii hore ee maamulkiisa ee Cadcaado ay ku sugan yihiin garab mucaaradka oo toddobaadkii hore doortay madaxweyne Cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7