Shaqaale sama fal oo lagu afduubtay duleedka magaalada Baydhabo

Posted Date: 16 Jul 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay afduubteen shaqaale sama fal u ka tirsanaa hey’ad maxali ah oo lagu magacaabo GREDO.

Gaari ay la socdeen shaqaalahan sama falka ayaa lagu afduubtay inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo, waxaana dadka la afduubtay oo ahaa Soomaali ay gaarayeen illaa todobo ruux oo uu ku jiray darawalka gaariga, labo haween ah iyo afar rag ah.

Hey’addan maxaliga ay u shaqeynayeen shaqaalahan la afduubtay ayaa qaabilsaneyd howlaha gar gaarka bani’aadanimada, waxaa ay ka howl galeysay deegaanada koofur galbeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Koofur galbeed oo ku aadan afduubka shaqaalahan.

Lama oga halka lala aaday shaqaalahan sama falka, iyadoo booliska gobolka Baay uu sheegay in shaqaalahan la afduubtay, iyagoo marayay agagaarka deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo.

Allidamaale