Sheeko: Warqad Ka Timi Qalbi Wax Jecel Q2aad

Posted Date: 30 May 2015   in: Madadaalo     0 Comments

Allah swtc aya xaqiiqda og…. Albaabka intaan lasoo garaacin ayaa waxaa i fuulay culays aanan garan karin waxaan ku sifiiyo anigoo isleh maxaa ku helay… ayaa albaabka lasoo garacaay anigoo fadhiya barandada guriga…. Qubtii ugu horaysay ee garaacda markaan maqlay dhammaan xubnaha jirkayga jiriiricaa roortay culayskiina waa igu sii batay, xubin kasta oo jirkayga ka mid ah ayaa nuuxsan wayday hadalkiina waa iga soo bixi waayey…. Waxaa ii dhawaaqday hooyaday oo igu tiri albaabka fur waanse kici waayey una jawaabi waayey… Dhowr jeer markii albaabkii la garaacay ayaa hooyaday aaday oo ka furtay anigoo halkaygii fadhiya…

Waxaa taagnaa nin siday warqad, hooyaday ayaa ku tiri maxaad rabtay iyadoo ka xanaaqsan albaabkaan furiwaayey… Wuxuu ugu jawaabay warqaddaan ayaa nin iisoo dhiibay oo igu yiri fadlan i caawi oo gurigaa gee warqadaan, mana aha nin aan aqaan anna kamaan diidin ee waan kasoo qaaday ee fadlan iga qabo warqaddaan… Hooyaday iyadoo yaaban ayeey warqaddii ka qabatay oo markay aragtay magaca ku yaal ee ahaa aniga ayeey boqshaddii jeexday oo akhrin ugu dhaqaaqday warqaddii… Warqaddii iyadoo akhrinaysa ayeey usoo dhaqaaqday dhankaygii oo istaagtay xoogaa markay kasoo dhaqaaqday albaabkii iyadoo akhriskii wadda… Waxaan fiirshay hooyaday mise indhaheeda waxaa dareerayso ilmo!… Waan naxay oo soo booday anigoo culaskii isaarnaa ee aan la nuuxsan waayey iga dul kacay, waxaan ku iri… Hooyo maxay tahay dhiillada warqadda ku qoran…. Yaa wax gaareen ma cidbaa la dilay…

Hooyaday su’aalahayga dhegaheedu ma maqal oo iimay jawaabin… Waxay sii akhrinaysay warqaddii ilmadiina waa sii badanaysay marba marka ka danbaysa… Naxdin ayaan la fariistay oo calooshaa i hurtay waxaanna mooday in walaalahay ama ehelkii hooyaday wax gaareen… Labada dhaban ayaan qabsaday oo hooyaday oo taagan oo anna is celin waayey oo ilmadu isoo dhaaftay… Markaas ayaan markale istaagay oo kor u qayliyey… hooyo maxaa dhacay… hooyo maxaa dhacay… yaa la dilay yaa la dilay…. Hooyaday oo warqaddii dhamaysay oo aan marnaba i maqal waxii qaylo iga dhacaysay oo ilmadii iska tirtiraysa… ayaa hal mar itiri hooyo orod waa waqtigii Aabe iman lahaa ee qolkaan sii hagaajinayaaye orodoo biyo qaboow lasoo orod, anigaa kuu warami doonee orod orod soona dhaqso haddaahin….!

Anigoo yaab iyo amakaag la anfariirsan oo ay isugu kay darmeen ka fekerkii culayskii iyo jiriiracadii i wada saamaysay markii albaabka la garacay iyo ka horba, oohintii ka muuqanaysay hooyaday iyo waxaanan horay ugu arag oo ah…. Tan iyo intaan ka xasuusto maan arag hooyaday oo sidaas aabahay u qiimaynaysa… Maan garanayn meeshaan marayo caguhu waxaad moodaysay inaanay dhulkaba haysan… Waxaan soo gaday wixii la ii diray, markaan soo noqday oo aan albaabkii iska soo furay, ayaan la kulmay hooyaday oo aabahay isku duubtay oo ilintu qubanayso oo leh alla macaanoow iska kay cafi alla macaanoow iska kay cafi… Maskaxdaydii ayaa qaybsami wayday waan soo orday markaan arkay warqaddii oo taala meel agtooda ah, waxaan la booday warqaddii intaan biyihii qaboobaa meel dhigay…. Cinwaanka iyo sadarka ugu horeeyey markaan akhriyey ayaan eegay magaca shaqsiga ay ku socotay markaan ka arki waayey baan galkay ku jirtay ku orday… Magacayga markaan arkay, xaaddii jirkayga oo dhanbaa i istaagtay, luguhii ayaa daciif i noqday oo i gariiray, waxaan bilaabay inaan Allah swtc shaydaanka ka magangalo, anigoo la yaaban saamaynta intaas le eg ee i qaaday anigoon garanayn sababta oo dhan…

Waxaan u fariistay sal muggii oo akhris ugu dhaqaaqay warqaddii…  Markaan xoogaa yar akhriskii warqadda waday ayaa wadnahaygii garaaciisii kor u kacay, waxaa isaaqay waxaanan waligay isaaqin oo aanan garanayn… Markaan soo gaaray ((( Waxaan ahay naf gaajaysan oo aan cunta u baahnayn… Waxaan ahay naf haraadan oo aan biyo u baahnayn… Waxaan ahay naf xanuunsan oo aan dawo u baahnayn… Waxaan ahay naf ilmadu buuxisoo oo aan ooyi karin… Waxaan ahay naf  hurdaysan oo an gami’ karin… Waxaan ahay naf miyirkeedii dhan yahay oo aan garanayn cir iyo dhul meel ay joogto…. waxaan dhex joogaa bulsho, haddana cidlaan ahay… hadaaqaa anigoo wada ayeey iga gooyaan oo i yiraahdaan xaafadaadii ma garanaysaa iyagoo iga naxsan una haysta inaan waalanahay ama aan waalan rabo, kadib markay arkaan is dhex yaacsanaantayda iyo rafaadka iga muuqda…))), waxaa gacmahayga ka tegey itaalkii aan warqadda kor ugu hayey waxayna ukala dhaceen labada dhinac, waxaan awoodi kari waayey inaan warqaddii kor usoo qaado… Anigoon is ogayn oo ilmadu iga daadanayso ayaan soo eegay dhankii hooyaday iyo aabahay iga xigeen oo ku calaacalay alla hooyooy qof xun baan ahay alla hooyooy qof xun baan ahay…

Aabahay oo naxsan ayaa igu soo dhaqaaqay waxaase gacanta ku dhigtay hooyaday oo ku tiri daa ha aadin isuddaa iyada iyo warqaddaas… Waxaan dib usoo qaaday gacmahaygii oo warqaddii is iri sii akhri, waxaa iga qarisay indhahagayga ilmadii ka socotay, hadba waan tirtiraa oo is iraahdaa eeg, waase iga joogsan wayday… Waan is adkeeyey cabaar markay iga istaagay ayaan akhriskii sii watay, markaan ku noqday anigoo is adkaynaya oo ilmo xanuun badan kor saaran tahay indhahayga, ayaan soo gaaray Dooggii indhahaygaay… Waan is celin kari waayey markale walaal Gacaliye anigoo leh xaggee baan ka ahay indhahaaga Doogoodii silicoodii baaban ahay, waan arki kari waayey warqaddii markale, hadba waxaan is iraahdaa is adkee oo wada akhri waanse ku guulaysan waayey oo waxaa iga tanbadisay ilmadii…

Gurigaan ku dhex war wareegay gidaar ilaa gidaar anigoo is hiifaya oo leh… Ammuu maalin kaa hor yimi oo aad cayday… Ammaad u jirxumaysay intuu damcay inuu kula hadlo… Sidii aad ila joogtid ayaan hadba iraahdaa alla walaaloow i cafi… alla walaaloow i cafi… Niyaddayda ayaan ka saari waayey inaan ku xumeeyey, sababtoo ah waan is ogahay inaan qof xun ahay oo kibirkii laga bedeyey… Waxaan u dhaqaaqay dhankii hooyaday anigoo ooyaya oo ku iri alla hooyooy isaguna isagoo rafaadsan ayuu ka fekerayaa sumcadayda anna waxaan ka baqayaa inaan si qaab daran ula hadlay intuu isku dayey inuu ila hadlo… Alla hooyooy qof xun baan ahay, alla hooyooy qof xun baan ahay anigoon oohintii iga tan badisay… hooyaday ayaa igusoo oroday oo hab isiisay oo tiri hooyo qof xun ma tihid hooyo qof xun ma tihid… Rayskii qalbigaaga xaggaan ka ahay waxaan ahay cadaabtii qalbigaaga, xaggaan qiimo badan ku leeyahay haddaan leeyahay ma waxaan arki waayey oo garan waayey inaan indhahayga kala foro oo aan hareerahayga jalleeco… Haddaan qiima badan leeyahay ma waxaan arki waayey shaqsiga dartay u rafaadsan…

Inta jeer ee aan akhriskeedii akhriyey runtii cadad ahaan ma qiyaasi karayo… Markastaan akhriyo waxay igu noqotaa markii ugu horaysay oo kale… Waxaa intaas iiga sii daran markay hooyaday ka sheekaysay in aabahay adiga oo kale ahaa… Shaqsi aan xumaan u quurin dumarka oo dhan hooyadayna uu ka jeclaa indhaheeda… Hooyadayna masayr dartiis la indha xirantay oo ay ka daboolmeen wanaaggii aabahay uu lahaa iyo sidii xad dhaafka ahayd ee uu u jeclaa…. Markay warqaddaada akhrisay ayaa hal mar waxaa kusoo fatahmay siduu u jecel yahay iyo sidaanu xumaanta ugu quurin iyo dhaqanka ay kula dhaqmaysay iyadoo masayrku ka tan badiyey… Aniga iyo hooyaday ayaa isla wada ooynay iyadu waxay ku ooynaysay, dhaqankay kula kacaysay ninkii adduunka oo dhan ugu jeclaa aniguna waxaa hadba i hor imanaysay anigoo kuu jir xumeeyey adigoo damcay inaad ila hadasho…

Walaal Gacaliye waxaa warqadaadu i bartay inaan muuqu ahayn meesha dareenka dhabta ah ka yimaado ee ay tahay qalbiga…. Waxaan kuu ballan qaadayaa … In maanta laga bilaabo naftayda oo dhan leedahay oo ah sida Allah swyc ee i abuuray igu ogyahay… Hadaad tahay curyaan iyo hadaad tahay nin indhala’ iyo hadaad tahay nin hoos ubaxa jaraasiinta ah iyo hadaad tahay oday dhacay…

Walaal Gacaliye… Oohintaa ha u arag xanuun aad i gaarsiisay waxaad qalbigayga gelisay farxad Allah maahee aan cidkale qiyaasi karin… Waxaa igu abuurantay kalsooni aan waligay qalbigayga gelin ogoobeey raggoo dhan waxaan u haystay khiyaalaystayaal aan wanaagba u qalmin…

Walaal Gacaliye ku oran maayo aan ku arko waxaanse kaa codsanayaa inaadan igala daahin jawaabta… Ogoobeey saacad kasta daqiiqad kasta iyo seken katsa waan tirinayaa oo sugayaa jawaabtaada, hadaad dhibtayda neceb tahay waxaa dhib igu ah, jawaabtaada oo iga daahda…  Ogoobeey  Haddaan waayana garan maayo waxay noloshaydu noqon doonto… Hiifid naftayda aan ku hayo ayaa iga buuxda waxaan isu haystaa inaan ku xumeeyey… Fadlan xataa haddaan ku xumeeyey…kuu jir xumeeyey..iskaa dhaafshay iisheeg… hadaad ii sheegi waydo… Ogoobeey waad i gawracday anoo nool… Sababtoo ah waqti kasta waxaa i hor imanaysa anigoo iskaa dhaafshay oo ku xumeeyey…. Qalbigayga markii soo gashana ilmo aad u xanuun badan baa igusoo istaagta oo aan mararka qaar celin wayaa…

Naf  Xun  Aan Kuu Qalmin

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email: aadciiltire@hotmail.com aadciiltire@gmail.com

https://www.facebook.com/Guureey

http://aadciiltire.wordpress.com/

https://www.facebook.com/AADCiiltire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7