Sheeko xasaasi ah: Amakaaga Shacabka iyo Aragtida ay Ka Qabaan  Arimaha Murugsan Qaybtii 2aad

Posted Date: 30 Jan 2015   in: Maqaalo,Somalia     Comments Comments

Waxaan hore u aragnay mawqisfkii ay ka taagnaayeen labadii xaaji qaybtii koowaad ee qisadan amakaaga shacabka  hadaba xaaji xuseen iyo xaaji cali ayaa waxay kulmeen mar kale iyaga oo iyaga oo ay saamayn ku yeelatay dagaaladii muqdisho dhawaanahan ka dhacay ayay iska waraysanayaan jawiga  dagaalka wadaadada qolo weliba diinta sheeganayso iyo diyaaradaha habeenkii guuxaya iyo in dalku ku socdo gacan shisheeye oo aan hadhaw laga soo celin Karin. Sidii caadada ahayd waxaay ku kulmeen masaajidka maadaama aysan jirin maqaayada ama meel meherada oo furan oo ay ku kulmi karaan.

Xaaji xuseen :- assalaamu calaykum wr wb
Xaaji cali      :- wacalaykuma salaam wr wb xaaji xuseenoow
Xaaji xuseen :- Walaalkay waxii xalay dhacayay maka nabad gasheen reerkii iyo caruurtii iiga waran.

Xaaji cali   :-  xaaaji xuseenow waa ka nabad galay oo waanigan kula joogaa caruurtii oo weliba yarkii dibada ka yimid ee aan adeerka u ahaa agoonka ahaa ku jirona waa qaxeen weligay maan qaxin maantase dagaalka soconayaa waa midkii ugu xumaa waa aakhirusabaan , waxaa loo kala tartamayaa aduunyo aakhirona inyar ayaa xasuusata.

Markaa waxaan is idhi wed lama baajin karee ee silica ka kaxee caruurta iyo sanqadha madaafiicda .waxay u qaxeen niyaw assal ahaan meeshii aan ka yimid awoowgeey baadiyihii iyo tuulooyinkii ayaan u diray waxaase iigu daran ninka dalxiiska u yimid ee qaxay cajiib!!!

Xaaji xuseen :- waa si wanaagsan mar hadaad ka sartay anaguna in badan ayaan caruurta dalka dibadiisa u diidanaa ee hada waxaan aadayaa maser magaalada qaahira  oo waxaa lay sheegay in meeshaas layn dibadeed laga heli karo oo responser maraykana ayaan qalqaashanaayaa ileeyn 20 sano madfac nasiib umaan heline dadkuba way iskaga tageen dalkan ee maxaa ka qabanaa meel loo ciirsado iyo rajo danbe way iga dhamaatay  xaaji caliyaw

Xaaji cali :-  kkk subxaanalaaah oo ma hada da,daas ayaa  buufis dibadeed kugu galay xaaji xuseenoow maxaad ku falaysaa dibada iyo laymanka aad sheegayso miyaadan nin weyn ahayn.

Xaaji xuseen :- niyaw dhalinyaradii carartay iyo qoysaskii guurey waa saxnaayeen sidaan isu lahayn beri bay si uu noqon saadanbe samaanoo sidatan waaba laga bixi ayaa waxaa timid hada anigaa diin haysta adigu diin ma lihid niyaw markaa dagaalku waa dagaal qaraar awal qabiilka xididnimo abtinimo ehelnimo iyo arimo kale ayaa laysku bixin jiray xitaa derisnimo ku dhahoo maantase  gaal baad tahay iyo gaal baad tahay ayay maraysaa markaa hogaamiye kooxeedkii maw ducaynaa in ilaahay soo celi  waa halkii uu ka yidhi.

Abshir bacadle waagii siyaad tegay  ee uu arkay sida dalkii loo galay iyo  basar xumada siyaasadeed ee bedeshay ( waa loo darsaday daalinkii dacayda weynaa , duqii doona ducana ugu dara waa na dubateen) hadana hogaamiye kooxeedka intuu dhiman jirtay waagay joogeen hal sano ayay nimankan wadaada sheeganayaan maalin ama saacad ku dilayaan markaa sheekadu waa ( hogaamiye kooxeedkaaba roonaa hogaamiye diimeed lahayne)

Xaaji cali:-  niyaw xaaji xuseenow walaahay waa gar arinka aad sheegtay dalkanina  qof nabad jecel iyo wanaag kuma noolaan karo ee laakiin qorshe kale ayaan kuu hayaa  Somaliland ama puntland maxaad caruurta u gayn wayday hawlahaaga ganacsi iyo Diintaada iyo dadnimadaa ayaa kuugu badbaadaysaa

Xaaji xuseen :- niyaw waa runtaa oo waa dal soomaaliyeed labaduba laakiin maraykankaa ka dhaw dhulkaas waayo u malayn mayo nasasho ayay ku jiraane in nimankani dhaafayaan meelna oo meel kasta qax qaxar qarax iyo qatli ayay gelinayaan,Hadaan wadamada islaamka aadi lahayne 19 sano ka hor ayaan nacay  haati iqaama Iyo cindak awraaq waa waxaan carab waa hore uga soo googoostay

Xaaji cali:- ilaahayaw na badbaadso waxaan soo xasuustay heesaha iskumaanan fiicnayn ee hees fanaanada saado cali qaado oo tidhaahda (hashii dhool ahaydbaa laba midigle dheelmoo dhana uma fiyooba) marka xaalkeenu waa dhana uma fiyooba oo diintii iyo dalkii iyo dadkii meel kasta waa nalaga soo galay meel walba dhibaatadu waa saamaysay In layska haajirona waa gar dalkeena meel dhaantona garan maynee waa nalaga eryanayaa  ma ogi ciday keeni doonaan  ragan dirirta habeen iyo maalin nagu hayaaa!!!

Xaaji xuseen ;- sheeko qosol leh ayaan kuu  hayaa xaaji caliyaw doraad ayaa waxaa  dhacday  in  uu gabadh doontay wiil uu dhalay nin ka tirsan baarlamaanka dowalda KMG soomaaliya halka gabadhana uu dhalay mid ka mida wadaada islaamiyiinta ah ee kazoo horjeeda dowlada , waxaa wiilka iyo gabadha joogaan dalka dibadiisa way sheekayteen wayna is fahmeen  inay is guursadaana go,aan ayay ku gaadheen oo isku afgarteen
Balse dhibaatada jirta ayaa waxay tahay laba caruura waalidiintood ayaa midna ka midyahay dowlada KMG ah midna ka mid yahay wadaada mucaaradka ah  labada nina waxay joogaan dalka waxaa telefoon soo diray caruurtii si ay waalidiintood ugu sheegaan arimaha noloshooda kusoo kordhay iyo in la wada hadlo oo lays waydiisto gabadhana aabaheed ayay u sheegtay wiilkuna aabihii ka dib.

Wiilka aabihii ayaa waydiiyay gabadha aan u tagee magaceed aabaheed
Waxaa uu yidhi waxaa la yidhaahdaa sheikh hebel
Wiilka aabihii ayaa yidhi oo ma waxaad damacday aabe inaad I disho oo ma qolada maskaxda laga qabsaday ayaad tahay oo qaab aad ii qaarajiso ayaad doonaysaa.

Maanigaa ninkaa gabadh iska daaye hadal xitaa wadaagi karma waa argagixiso Mar danbena arintaas kaama maqli karo hadaan ku dhalay gabadh kale.

Wiilkii ayaa yaabay mana uusan fahmin macnaha aabihiis ula jeedo erayadaas Gabadhii ayaa iyaduna waxay wacday aabaheed arintiina u sheegtay in lasoo doonanayo oo ay qolo usoo dirtay waxaa uu weydiiyay sidii caadada ahayd aabe waayo, Wiilka aabihiis ma noolyahay haa waxaa la dhahaa hebel isaga ayaa kuu imaanayaa.

Odaygii ayaa qayliyay inaa lilaah waa inaa ilaayhi raajicuun aabe ii imaanyo mayo Waa ridoobay ninkaas waa gaala raac wiilkiisana gabadhayda ma guursan karo, Waayo ninkaas iyo aniga waxaa naga dhexeeyaa khilaaf weyn Mana arki karo mar danbena adiga oo arintaasna mar danbe ilama soo qaadi kartid igalamana hadli kartid

aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu  laaban
goormaa gayaankiina  siyaasad  go,doonka gelisay
goormaa guurkiina shuruud laga dhigay isku group ma nihin

Waxaa dhalinyaradii la yaabeen waxay kala kulmeen waalidiintood
Kadib waxay u tageen sheikh waxaa ayna u sheegeen arintoodii ilaa imaamka masaajidka ayay gaadhay arintii wadankii ay joogen muslimiintiina way  la yaabeen mas,aladan
U dhaxaysa laba waalid oo muslina oo caruurtooda isugu diiday maba,diida ay kala aaminsan yihiin oo welibacaruurtooda oo wadan gaalo oo qurba joogta halkay isugu duacayn lahaayeen arintoodana u dhamayn lahaayeen  calool fayoobaan
Ka dib waxaa loo sheegay inay is mehersadaan dadkaasna ilaahay u baryaan in ilaahay xaqa tuso oo ay qaldan yihiin ee ka waran xaaji caliyaw halkaas ayaa xaal marayaa

Xaaji cali :- maanshalaah  waa arin cajiiba anigana  yarka aan adeerka u ahay ee hada ii yimid waxaa uu ii sheegay in xagaa loo kala fadhiisto maqaayadaha qurbaha  qabiil iyo jufooyin jaaliyadahana lagu sameeyo sidaa oo dibadaba ay la tageen waxay ku hayeen dalka inyaroo wadaniyad leh maahe teeda kala mabaa,diida xagaasba way la joogaan qurbaha oo raga dabka dalka ka shidayaa kuwa dibadaha joogana waa ku jiraan oo qaybaha aad aragtay ee dadka caawiya ee deeqda usoo dira waxaa u badan dumarka oo sida halkan dumarka loogu baxsaday ayaa xagaasna waxaa wadaniyadii iyo soomaalinimadii ku hadhay dumarka soomaaliyeed

Xaaji xuseen:-  xaaji caliyaw  aniga xaalkaygu waa sida aan kuu sheegay oo waxaan u socdaa dibadahaa ee adiga maxaa kuu qorshe ah

Xaaji cali :- haday si bedeli waydo waan kaa daba imanayaa meeshaad tagto walaalkay oo wehelkayga ah ayaad tahay haday is bedeshona dalkaaga wax dhaama malaha meel masaajidka iyo maqaayada labadaba lagaa yaqaan ku arki maysid qurbaha meel aad sharafta maanta aad leedahay iyo odaynimada cisigaa ka helaysaana ma jiro
Xaaqin iyo waxaa laguu dhiibayaa  istaraasho oo karaamada ayaa lagaa qaadayaa markaad wadamada  reer galbeedka tagto

Xaaji xuseen ;- subxaanalaah aniga oo lixdankii wax iila jiraan xaaqin diyaar uma ihiye Madfacan xaqdarada ah ayaan iska dugsanayaa ama Soomaliland iyo Puntland meelaahaas Soomaalida caafimaadka qabtaa ee cudurka qabiilka iyo jahliga iyo dagaalka iyo madax jecaylka ka bogsatay joogtaan aadayaa inshalaah.

Weli fari kama qodna  sheekadaan ka turjumaysaa  afkaarta shacabka iyo amakaaga ka haysta arimaha murugsan ee  dalka marka ka dhacayaa  inshalaah la soco qaybaha kale

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com
allidamaale.com-Office Puntland

Allidamaale