Shir looga hadlay Howlgalka AMISOM oo ka dhacay magaalada Addis Ababa

Posted Date: 02 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maalintii shalay ka dhacay xarunta Midowga Afrika kulan diirada lagu saaray howlaha iyo taageerada AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya.

Shirkan ayaa ahaa kii 25aad oo ay yeeshaan Guddiga qaabilsan howlgalka AMISOM ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Amb. Smail Chergui.

Shirka sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya,Taliyaha Guud ee AMISOM,Taliyayaasha Ciidamada ka jooga Soomaaliya,sida Burundi,Jabuuti,Kenya,Itoobiya,Uganda iyo Nigeria oo ciidan Boolis ah ka joogaan Soomaaliya.

Shira ayaa looga hadlay sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale ciidanka AMISOM iyo ciidmaada xoogga dalka,waxaana walwal laga muujiyay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii Midowga Yurub ku bixin jiray howlgalka AMISOM.

Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay sdii looga shaqeyn lahaa sidii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ammaanka kala wareegi lahaayeen AMISOM.

Guddiga ayaa isku raacay in weerar iyo howlgal ballaaran la qaado iyadoona lasoo jeediyay in dhinacyada kala duwan sida Midowga Afrika,T/PCCs iyo UNSOS kulan gaar ah ka yeeshaan khatarta Al-Shabaab iyo Lojistikada dagaalka ee loo baahan yahay.

Allidamaale