Shirkii Baydhabo oo wali uu socda shir albaabada u xiranyihiin

Posted Date: 14 May 2018   in: news,Somalia     0 Comments

Shirkii golaha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo galabtay dib ay isugu noqdeen shir albaabada ay u xiranyihiin Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa wali xiligaan oo Habeen ah socda, kadib markii la isugu soo noqday galabtay mid gaar ah oo Saxaafada ay dibada ka joogto.

Dhammaan madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ay ka go’antahay in ay hirgaliyaan nidaamka Fedraalka, isla markaana la xaqiijiyo aminga dalka si taa loo gaaraan waxyaabaha ay qolka isugu xireen ayaa Waxaa ka mid ah in la dajiyo istaraatijiyad cad oo lagu mideynayo laguna dhisayo ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kalena Waxaa ajandayaasha ka mid ah awood qeybsiga iyo ku heshiinta kheyraadka dalka ayadoo loo Marayo nidaamka dowlada wanaaga, si taas loo gaarana Waxaa ay isla yaqiinsadeen in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta dastuurkii 2014 lagu saxiixay magaalada Nairobi er dalka Kenya, wixii intaa ka baxsan ee aan loo dhameyna ay xaaraan tahay wax ka badalkiisa.

Gabagabada shirka ayaa Waxaa laga soo saaridoonaa qodobada lagu heshiiyo oo loogudbin doono Golayaasha Dowladda Federaalka si ay u dhaqan Galiyaan.

allidamaale@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale