Shirkii Baydhabo oo maalintii labaad albaabada loo xirtay iyo DFS oo ka qeyb gal soo codsatay

Posted Date: 15 May 2018   in: news,Somalia     0 Comments

Shirkii golaha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya uga socday magalada Baydhabo ee xarunta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa galay maalinkii labaad ee albaabadu u xiranyihiin, wararkana hoos loo dhigay.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa wali u fadhiya Kulan adag oo ay jilbaha isu aasteen ayagoo siweyn uga wada hadlaya mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii loo sixi lahaa arimaha Nabadgalyada, Siyaasada iyo Dhaqaalaha, waxaana mar labaad albaabka la isu xirtay Galabtay.

Dhinaca kalena waxaa galabatay khadka Taleefonka kula soo xiriiray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden OO shirka Marti galiyay iyo Gudoomiyaha golaha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Cali Gaas, Madxtooyada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayagoo ka codsaday in shirkii dib loo dhigo oo aan Bari lasoo afmeerin, si ay wafdi ugusoo dirsadaan oo ay uga qeyb galaan dowladda Federaalka ayadoo laga wada hadlayo is afgaranwaaga Jira, hayeeshee lama xaqiijin karo Jawabata ay ka bixiyeen Golaha Iskaashiga.

Dhammaan madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ay ka go’antahay in saxo hanaaka dowladda Nimo ee dalka lana toosiyo dowladda Federaalka, si shacabku u helaan fursado nolol iyo Nabad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale