Daawo Sawiro:- Shirka dowladaha Federaalka Somalia oo si rasmi ah uga furmay Baydhabo

Posted Date: 14 May 2018   in: news,Somalia     0 Comments

Waxaa daqiiqado ka hor si rasmi ah u furmay shirkii dowladaha Federaalka ee Somalia kulahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka goboleedka Konfur Galbeed.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan Madaxda dhamaan shanta maamul ee Soomaaliya ayaa diirada lagusaarayaa qodobo ay ka mid yihiin masiibooyinka fatahaada, khal khalka amniga dalka ay ku hayaan Argagixisada Al-Shabaab iyo Khilaafka Dalalka Khaliijka ka dhaxeeya ee kusoo caariyay danyarta Somaliyeed ee amni xumada iyo dowlada la’aantu dilootay.

Waxaa hada ku sugan shirka Agaasimaha Warbaahint caalamiga ee allidamaale.com Ing. Hassan oo qeyb ka ah Wafuuda kasocota dowlada Jubaland ee ka qeyb galaya shirka Wadatashiga Madasha Qaran ee samata bixinta umada Somaliyeed.

Shirku haduu furmay, Wixii kasoo kordha kala soco allidamaale.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale