Siyaasiga Yuusuf Garaad Oo Maqaal Ka Qoray Nidaamka 4.5

Posted Date: 21 Dec 2015   in: Maqaalo,news,Somalia     Comments Comments

Bishii Sebtember 1999 ayay ahayd markii Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo xilka hayay dhowr bilood uun, uu ka istaagay magaalada New York shirka Golaha Guud ee QM (Qaramada Midoobay). Wuxuu ku dhawaaqay in Djibouti ay fidineyso gogol Soomaalidu ay dib ugu heshiiso ugana tashato aayaheeda. Ogow markaas Soomaaliya ma laha Dowlad, xataa mid lagu muransan yahay ma jirto.

Ethiopia isla goobta ayay markiiba ka sheegtay in ay taageersan tahay shirka ay Djibouti u qabaneyso Soomaalida. Shirka Golaha Guud ee QM ee 1999 matalayay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Seyoum Mesfin. Khudbaddii uu akhriyay Wasiirku wuxuu ku sheegay in Ethiopia ay taageersan tahay Shirka Soomaalida ee ay Djibouti ay ku dhawaaqday.

Kulammo badan oo aan diblomaasiyiin iyo hoggaamiyayaal siyaasadeed kula yeeshay Addis Ababa iyo Djibouti waxaa iiga soo baxay in Djibouti shirka ay dooneysay in ay u qabato Soomaalida aanay kala tashan kana wargelin Ethiopia ka hor ku dhawaaqiddiisa.

Ethiopia waa dal muhiim ah oo la deris ah Soomaaliya iyo Djibouti labadaba. Waana dal hadday noqon lahayd galaangalka Afrika iyo haddii ay noqon lahayd isa saameynta siyaasadeed iyo tan amni ee kala dhaxaysa Soomaaliya iyo Djibouti, ay taageeradeeda shirku aad muhiim u tahay.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu u socdaalay Addis Ababa. Wuxuu codsaday in ay Ra’iisal Wasaaraha isku arkaan gegida dayaaradaha. Markii ay ku kulmeen garoonka Bole ee Addis Ababa, ayuu Madaxweynaha Djibouti wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia guddoonsiiyay gal ay ku jirto faahfaahinta Shirka ay Djibouti damacsan tahay in ay ku qabato Carta. Madaxweyne Ismaaciil wuxuu weydiistay Ra’iisal Wasaare Meles in uu soo derso qorshaha Djibouti ee shirka, wuxuuna ka codsaday in Ethiopia ay Djibouti ku taageerto shirka iyo natiijada ka soo baxda.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, isaga oo aan akhrin ayuu aqbalay in uu shuruud la’aan ku taageero shirka ay Djibouti u qabaneyso Soomaalida, iyo wax kasta oo ay Soomaaliya ku taageereyso.

Hadalkan waxaan marka hore ka helay ilo sare oo Ethiopian ah, maalmo ka dibna xeyndaabyo Djibouti ah ayaa la iiga qiray xogta aan Addis Ababa ka soo helay.

Inkasta oo aanan dhinaca Ethiopia ka maqal, waxay ilo reer Djibouti ahi ii sheegeen in kulanka Bole uu Ra’iisal Wasaare Zenawi ku codsaday in aan la duudsin dadka qaar.

Berigaas ciidammada Ethiopia waxay ku sugnaayeen degaanno ka tirsan Gobolka Baay oo ayaga oo gacan siinaya malliishiya degaanka ah, ka saaray ciidammada Caydiid oo xoog ku haystay degaanka.

Geelle wuxuu halkaa Zenawi ugu ballan qaaday in si siman ay wax u heli doonaan.

Taas waxaan u haystaa in ay ahayd markii ugu horreysay ee ay hoggaamiyayaasha Gobolku ay ku heshiiyeen in Soomaalida si siman wax loogu qeybiyo isla markaana ay Djibouti meel marisay.

Waxaan anigu u macnaystay curashada 4.5 in heer Qaran wax loogu qeybsado in ay ka timid kulanka labada hoggaamiye ee Bole. Inkasta oo ra’yiga 4.5 markaa ka hor laga dhawaajiyay la iskuna dayey in la hirgeliyo haddana wuxuu ku koobnaa hoggaamiye kooxeedyo gadoodsan iyo aqoonyahanno aan awood fulineed lahayn.

Laga soo billaabo Baarlamaankii lagu dhisay Carta 2000, lagu xijiyo kii lagu dhisay Kenya 2004 oo haddana lagu kabay mid kale shirkii Djibouti 2009 iyo Baaralamaanka hadda jira ee lagu dhisay Muqdisho 2012 dhammaantood waxay ku salaysan yihiin afar qabiil oo kuraasta u qeybsaday si siman iyo qabaa’il la isu geeyay oo la siiyay kala bar kuraasta afarta qabiil mid kasta oo ka mid ahi uu qaatay.
Maaddaama maalmahaan ay dhinacyada qaar ka dhawaajiyeen in ay rabaan in laga guuro 4.5, dhinacya kalena ay ku dheggan yihiin waxaa igu dhashay su’aalo badan. Marka aan ka fekerayo jawaabaha su’aalaha igu dhashay, waxaan rabaa in aan kor u fekero si aad ii maqasho oo fikir aan isugu darsanno. Maanta waxaan dhiraandhiriyey halka lagu go’aamiyey in si siman wax loo qeybsado. Qormooyin kale ayaa xigi doona.

Nidaamka 4.5 oo dadku ay inta badan ay af Ingiriis ku sheegaan waxaa uu ka mid noqday sharciyada aan qorneyn ee Soomaaliya looga dhaqmo. Maxaa laga faa’iday? Muxuu cillado leeyahay? Ma la joogaa xilli ay tahay in laga gudbo? Ma naqaan nidaam ka fiican oo aan ku beddelno? Ma la diyaariyay meel looga guuro?

Su’aalahaas iyo qaar kale waxaan ku eegi doonaa qormooyinkeyga soo socda, haddii Allah idmo.

Allidamaale