Somali street children ‘Association Puntland Diaspora forum .dk , Dharoor Charity, Jubbaland development Organization oo ka Tacsiyeeyay Geerida Baribari

Posted Date: 29 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Ururada rayidka ah oo hoos ku xusan waxay tacsi naxdin badan u diraya dhamaan qaraabadii iyo qoysaskii ay ka geeryoodeen dadkii shalay sida naxariisdarada ah loogu xasuuqay Magaalada Xamar khaas ahaan Hotel Makka Almukarama.

Somali street children ‘Association Puntland Diaspora forum .dk , Dharoor Charity, Jubbaland development Organization waxay, tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ehelkii iyo qaraabaddii ay ku timi geeridii lama filaanka ahayd oo geysteen dad arxanlaawayaal ah.

Waxan si khaas ah tacsi ugu diraynaa eheladdii iyo qaraabadii qoyskii ehelkii,qaranka Soomaaliyeed iyo asaxaabtii uu ka geeryooday Dr/ danjirihii Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari.

Dr Yusuf waxuu ahaa wadani Soomaaliyeed sharaf iyo qadarina ku lahaa ummadda Soomaaliyeed meel ayjoogtaba. Waxaan garawsanahay hawshii baaxadda weyneyd ee uu u hayay qoranka Soomaaliyeed.

Waxaan Ilahay Subxanahu wa Tacaalaa uga baryayaa inuu u naxariisto aakharana uu ku guulaysiiyo xisaabta itaxaanka aakhiro.Waxaan Alle uga baryaynaa Jannotul firdowsa iyo xisaabtiisa oo loo fududeeyo.

Waxan ka xunahay geeridu waa xaq laakiin dadka Soomaaliyeed oo sabab la,aanta naftooda iyo maalkooda loo xasuuqayo maalin walba. Waxan Dowladda Soomaaliyeed ka codsanaynaa in ay xil sare iska saarto amniga dalka iyo dadka. Dowladdu waa in ay ka xanuunsato qofkasta oo Soomaali ah dhibkiisa meel kasta ha joogee.
Madaxda qoraalka ku saxiixan
Chairman: Faisa Maxamed Layli. J.D.O
Chairman: C/salaan Cali Askar. P.D.F.
Chairman: Ahmed M Yusuf   DH.Charity.
Chairman: Awil Abdi Ade     S.S.C.A

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7