Somalidu Maxamy Ka Faaiidi Kartaa Xiriirka Iskaashiga Dhaqaale ee Shinaha iyo Afrika ?.

Posted Date: 11 Oct 2018   in: Uncategorized     0 Comments

Maqaalkan kooban wuxuu talooyin u soo jeedinayaa Madaxda majaraha u haysa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Dhexe ee Somaliya.

Maamulka Cusub ee Dawladda Mareykanka oo ka gaabsatay Afrika gebi ahaan teeda ayaa markay arakeen in China la wareegeyso Afrika wuxuu soo celiyey macaawinadii dhaqaale, wuxuuna ballan qaaday $30 billion

Bishii Sebtember 2018 ayaa shir iskaashi dhaqaale ee China iyo Afrika ka dhacay wadanka China. China waxay marti qaaday Madax weynayaasha, Raisul wasaarida iyo madaxda culus ee Afrika. Shirka good ahaan waxaa lagaga hadlay horuumarinta dhaqaalaha Afrika. Wadanka China wuxuu ballan qaaday in uu Afrika gelinayo $60 Billion sannadka 2019. Lacagta badankeedu wuxuu gelayaa soo saaridda nacdanta, horuumarinta isgaarsiinta wadooyinka gawaarida, wadooyinka tareenada iyo dhismaha furdooyin cusub iyo dib u habaynta dhabooyinka tareenada iyo furdooyinkuu horay u jirey.

Hadaba China fara gelinteeda Afrika ugub ma aha.

Intiina waaweyn way garanayaan China waxa ay u qabatay Somaliya. Xusuuso wadada dheer ee Beled Weyne Burco iyo ceelasha ay u qodeen reer miyiga, Cisbataalka haweenka, Masraxa hidaha iyo dhaqanka Xamar, golaha cayaaraha kubbada cagta, iwm.

Wadama badan oo reer Afrika sidoo kale ayey u caawiyeen.

Waagii hore ujeedadu waxay ahayd in wadamada Afrika laga dhaadhiciyo mabda’a hantiwadaaga.

Maanta China way shidantahay oo dhaqaaleheedaa la baratamaya galbeedka.

Hantiwadaag iyo bilaash wax u siintii dhamaatay.

Maanta waxay China joogtaa: aan wax ku siiyee maxaad i siin?

Markuu arkay in indha yar ay ka qaadatay Afrika ayaa Mareykanku wuxuu mar kale ballan qaaday inuu wadamada soo koraya uu gelinayo $60 billion. Ninkii wuxuu yiri “Ari maxaa kuu baxay?”

Afrika waa 54 wadan. Kuweebaa sed bursi helaya, kuweese ku qadaya labada dhinacba?

Sidee China u qaybinaysaa hantida ay gelineyso Afrika?

Hadaba halkaan baynu ugu dhaadhici silsilada dhaqaale, siyaasadda iyo wax siintu siday isugu xiran tahay.

Maxay China ka Dooneysaa Afrika?

Dhaqaalaha China wuxuu u kobcayaa si aad u xoog leh. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu kobcay inta u dhexesa 6.7 ilaa 9%.

Hadaba warshadaynta iyo warshadaha China waxay u baahan yihiin alaabada qeeriin sida macdanta, shidaalka iyo kheyraadka beeraha, kallunka iyo xoolaha.

China waxay alaabada qeeriin ka doonatay aduunyada gees ka gees. Latin Amerika, Asia iyo Afrika.

Tusaale ahaan, Brazil keliya waxay gelisay $24.7 Billion sannadkii 2017. Bal google wadamada kale inta ay gelisay sannad walba.

Hadaba China waxay haatan Afrika ka qaadata macdanta, shidaalka iyo kheyraadka beeraha.

Macdanta ay China ka gurato ayna si xoog leh uga guran doonto Afrika waa

Diamond, Gold, Platinum, Uranium, Bauxite (for Aluminum), Aluminum, copper, coal, cobalt, zirconium, vermiculite, phosphate, iron, steel, lead, nickel, zinc iyo saliida shidaalka.

Wadamada ugu kheyraadka badan, gaar ahaan macdanta iyo shidaalka Eebe ku hodmay waa Guinea, Ghana,, Niger, Nigeria, Burkina Faso, Mali, Benin, Djibouti, Burundi, Tanzania, Mozambique, Zambia, Central Africa, Democratic Republic of Congo, Botswana, Namibia, South Africa, Algeria, Libya, Egypt, South Sudan iyo Angola.

Wadamada kale qaar baa raja qaba oo waxay leeyihiin kheyraadka beeraha sida cacao ay ka mid yihiin Cameroon iyo Ivory Coast.

Hadaba inta kale waxaa ku jira kuwa raja leh oo saami ka heli kara $60 ka billion iyo kuwa hungoobaya. Kuwaan oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somalia ku jiraan dib ayeynu ugu soo noqon inagoo falanqayn doona sababaha rajadu u jirto.

Haatan China waxay alaabada qeeriin ka qaadataa Afrika, hase yeeshee kharajka gaadiidka ayaa xoog leh.

Gaadiidka Qaybaha uu kala Yahay.

Kharajka gaadiidku wuxuu ku xiran yahay badeecada la qaadayo.

Gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada waa afar nooc: Diyaaradaha, Gawaarida, maraakiibta iyo tareenada.

Diyaaradaha waxaa la saaraa xamuulka qaaliga ah, waxaa ku xiga gawaarida waaweyn, tareenka iyo maraakiibta waxaa la saara badeecada qiimaha yar.

Markabka in la adeegsado waxaa lagu khasban yahay hadii bad ay u dhexayso bedeecada Meesha laga qaadayo iyo Meesha la geynayo.

Macdanta marka la soo saaro waxaa la socda khashin iyo culays kale oo aan loo baahnayn. Qaarbaa in yar lagu warshadayaa aagga laga qoday si culaysku u yaraado ama xajmigoodu u dhinmo.

Hadaba China haatan waxay macdanta Afrikada galbeed iyo Afrikada Dhexe ku soo qaadaa maraakiib ka soo goosha marsooyinka Afrika ee Badda Atlantiga ku yaal. Waxay la soo jibaaxaan badweynta Atlantiga oo waxay ka soo wareegsadaan South Afrika oo fooda la soo galaan Badweynta Hindiya, waxay la sii gurguurtaanba waxay la galaan badweynta Deggan ee Pacifiga.

Hadaba xamuulka laga qaado Afrikada Galbeed iyo Afrikada Dhexe wuxuu China ku tagaa qaali.

Qaxaa la xisaabiyaa kharajka ku baxa halkii kiintaal oo badeeca ah halkii Km ee la sido.

Waxay hadaba China ku fekertay sidii ay ku yarayn lahayd kharajka kaga baxaya xamuulka maraakiibta.

Waxay China go’aansatay in ay wadooyin tareen iyo wadooyinka gawaarida ka dhisto Afrika dhexdeeda ayna u samayso marsado –(Dekedo -furdooyin) ay ka dhoofiso alaabada qeeriin ee Afrika.

Dekedahaas waxay ka dhistay qaar Geeska Afrika, qaar kalena waxay ka dhisaysaa wadama ka mid ah Geeska Afrika.

Hadaba inta aaney dhisin dekedaha Geeska Afrika waxay China dhistay Dekeda Gwadar.

Marsada Gwadar

Intaaney China cartamaha la soo gelin Afrika.waxay ka soo shaqaysay wadadii ay marsiin lahayd alaabada qeeriin ay dooneyso in ay Afrika ka qadato.

China waxay heshiis la gashay Pakistan si ay uga dhisto deked tuulo la yiraahdo Gwadar.

Gwadar waxaa lahaan jirtey Cumaan oo Pakistan 1958 ay kaga iibsatay $3 million.

Heshiiska China la gashay Pakistan wuxuu sii dhalay heshiisyo kale oo ay ku jiraan wadada baabuurta oo ka baxda Gwadar oo gaarta Kashga ee Xijiang ee China.

Sidoo kale waxaa China ka dhistay wadada tareenka ee isku xirta Gwadar iyo Kashgar.

Heshiiska dhexmaray China iyo Pakistan ee Wadada Dhaqaalaha (China Pakistan Economic Corridor CPEC waxaa ku baxay $75 billion.

Waxay China ugaga faaiidaysatay isku xirka isgaarsiinta iyo gaadiidka kheyraadka ay China keento Bariga Dhexe iyo kheyraadka ay u wado qaaradda Yurub.

Sidoo kale faaiido weyn waxaa ka helay Pakistan oo woqooyiga Pakistan ayan ka jirin wadooyin iyo gaadiidka tareenka.

Pakistan sidoo kale kheyraadka ay rabto in ay u beec geyso Bariga Dhexe waxay si sahal ah u keentaa Dekedda Gwadar.

China wixii uga yimaada Yurub iyo Bariga Dhexe waxay u soo maraan marsada Gwadar ka dibna lagu qaadaa tareenada gaaraya Kashgar.

Kashgar waxay ku xiran tahay magaalooyinka kale ee China sida Shanghai. Wadada China ay ka dhistay woqooyiga Pakistan ee isku xireysa Gwadar iyo Kashagar waa 3,033 Km.

Miisaaniyadaa waxaa sii dheer $10 billion oo ay China ku dhistay qasab qaada shidaalka. Qasabadaasi waxay maalintii qaadaa hal malyan (1 million) oo fuusto oo saliida shidaalka. Sidoo kale waxaa dhinaca kale ka socda qasabad qaada Gaaska Iran oo geyneysa Kashgar.

Hadaba maadaama ay China heshay xeel ay ku soo yarayso kharajka maraakiibta qaadeysa xamuulka oo u kala goosheysa marsadaha bariga China iyo Africa iyo Bariga Dhexe, waxay China damacday sidoo kale in ay hesho deked ku taal Geeska Afrika oo ay la mataanayso Gwadar. Taasi waxay u sahleysaa alaabada qeeriin ee Afrika in ay sicir hoose ku tagto China. Ama alaabada China lagu soo warshadayey ee u socota Afrika sayladeheeda, si ay rakhiis ku tagto.

Dhismooyinka Dhabooyinka Gaadiidka

Waxaanu ku soo koobeynaa wadooyinka tareenka isku xiraya Bariga iyo Galbeedka Afrika iyo Dhabada tareenka isku xireysa Woqooyinka iyo Koonfurta Afrika.

Madaxda wadamada Afrika ee u xil saran dhismaha wadooyinka waxay magan-garsiinyo uga dhigeen in ay wadamada Afrika ka faaiidaysanayaan oo wadooyinkaasi ay kordhinayaan ganacsiga dhex maraya wadamada Afrika.

Hadaba hadii aad fiiriso dhibta gumeystuhu ugaga tegey Afrika waxaa ka mid ah xuduud qaldan oo kala qaybisay quruumo iyo qabiilo. Soohdimaha Afrika ma aha kuwa ku salaysan xad dabiici ah sida webi, harooyin biyo, qarar iyo buuro. Markaad daawato khariidada Afrika, wadamada waxaa u dhexaya soohdi ah diilin toosan. Wadamada xariiqmada toosani u dhexayso waa Algeria iyo Mauritania, Algeria iyo Mali, Algeria iyo Niger, Algeria iyo Libya, Libya iyo Egypt, Libya iyo Chad, waa sidaas ilaa aad ka gaarto koonfur sida Namibia iyo Botswana. Bal hadaba soo booqo Bariga Afrika soohdimaha u dhexaya sida soohdinta u dhexaysa Sudan iyo Ethiopia, ama Ethiopia iyo Somalia, ama Somalia iyo Kenya.

Hadaba, ganacsi ma yeelanayaan wadama mindiyaha isu lisanaya. Ciilow wayey, kolba manta tolkay laga adkaa oo markii la rabo baa lagu soo duuli karaa, waxna iskama celin karaan. Wadooyinkan, ganacsi iskaba ilowe, ma waxay sahlayaan sidii wadan uu ugu duuli lahaa wadan kale oo mudda yar ugu qabsan lahaa? Ninkii tabar yarrow lagaa adag.

Waxaa labada wado ee Bariga-Galbeedka iyo Koonfur-Woqooyi ka qayb qaadanaya Bangiga Horuumarinta Afrika iyo Ururka Tareenka Midnimada Afrika.

Saami weyn waxaa bixinaya China.

Af wax cunay xishoo, madaxda labada hey’adood waxaa casumay China. Waxaa la tusay dhabada isku xirta tareenka Djibouti iyo Addis Ababa.

Dhabada Tareenka isku xiraya Galbeedka Afrika iyo Bariga Afrika waxay ka soo bilaabmayaa Dakar -Senegal waxayna ku soo dhamaanaya Port Sudan ee Sudan.

Dhabada Woqooyiga iyo Koonfur isku xireysa waxay isku xireysaa Masar iyo South Afrika.

Walowba wadamada galbeedku (Yurub iyo Woqooyiga Mareykanka) ay dadka reer Afrika ku leeyihiin China waa isticmaar cusub, waxaa xaqiiq ah in wadamada Afrika ee hodanka ka ah kheyraadka beeraha iyo alaabada qeeriin ay ku noolyihiin nololl saboolnimo.

Tusaale waxaa ah Jamhuuriyadda Demoqraadiga Congo macdanteeda lagu qiyaasay $24 trillion – waa 24 leg iyo lafuuf dolar- ay qani nimadooda kaga nool yihiin saboolnimo gaaja ah, meel walbana ay ku dac-darraysteen ayna ku dhowaadeen in dadku is cunaan.

China waxay u dhistay cisbataalo, shey baaro, bukaan socod eegtooyin, dugsiyo, jaamacado iyo wadooyin isku xira goobaha macdanta laga qodo iyo Uganda. Dhabadaasi waxay noqotay mid lagu soo qaadayo macdanta gawaarida. Waxaa kaloo la cusboonaysiiyey wadada tareenka. Waxay dhistay wada tareen eek u soo xirtay congo magaalada Kambala ee Uganda.

Intaas kuma ekaan China ee waxay tareenada iyo wadoyinka gawaarida soo gaarsiisay Kenya.

Kenya iyo China.

Bal google ku samay kharajka maal gelinta China gelisay Kenya. China waxay gelisay dhaqaale xoog weyn dhismaha isgaarsiinta gaadiidka Kenya.

Wadada tareen ee isku xireysa Nairobi iyo Mombasa. Waxay dhistay wadooyin aad u waaweyn ee aan badankoodu ka jirin Africa, Asia iyo Latin America.

Wadooyin gaadiid ee 16 wadiiqo-laami leh. Doqonta reer Keenya ee wax garadka isku sheegay waxay gaareen in ay hawaystaan in ay isku xirmaan wadamada kale ee Africa sida Ethiopia, Sudan iyp Uganda. Hase yeeshee aaney maskaxdooda soommarin Somaliya oo weliba gobol ka mid ahaan jirey Somalia dirqi loogu kabay.

China waxay Kenya u dhistay dekedda Lamu iyo warshadda korontada u dhalineysa dekedda oo furmaysa sannadka 2020. China waxy maalgelisay oo dhistay cusbataalo iyo bukaan socod eegtooyin. Waxay jaamacada u dhistay xarumo lagu baaro oo lagu dawayo Kansarka (cancer), Xarumaha cayaaraha ee dhallinta.

Kheyraadka beeraha iyo macdanta ka imaaneysa Namibia, Angola, Botswana, D.R. Congo, Jamhuuriyadda Congo, Central Africa waxay ku soo qulqulayaan Kenya dekedeheeda.

Ka dib waxaa loo dhoofinayaa Gwadar oo u gudbineysa Kashgar China.

Jamhuuruyadda Somaliland iyo Somaliya doorka laga sugayo:

Maadaama ujeedada China ay ka dooneyso dekeda Geeska Africa ay tahay u dhowaanshaha ay dekeddu u dhowdahay Gwadar, markii qof walba fiiriyo dekedda ugu dhow Gwadar ee geeska Afrika wuxuu arkayaa in ay tahay mudac geeska Afrika oo ah Toxin ama Bargal, ama Gondoli ama Xafun.

Dhibaata ka taagan Puntland oo madaxda maamulka u haysa Puntland ay diideen ayaa keentay in la ilaawo meelaha aynu kor ku soo xusnay. Waxaa aad ugu qayliyey oo geed dheer iyo mid faabanba dusha uga booday waa Siyaasi Farax Dooxa Joog. Isagoo horeyba dil loogu xukumay samaynta Dawlad Goboleedka Casayrland. Malaha baqdin baa gashay markii dhowr goor la damcay on la khaarijiyo. “Adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama”.

Waxaa kaloo China dalbatay banka weyn ee Ollog iyo Daamo. Waa meel aad ugu wacan in laga dhigo deked weyn oo laga dhoofiyo macdanta ka timaada Afrika. Waxaa is hor taagey maamulka Puntland oo dalbaday in dekeda laga dhiso meela kale.

Tixraac markii madaxweyne Gas iyadoo laga sugayo in uu ku soo noqdo Galkacayo si loo xalliyo dhibaato kala gaartay laba beelood ee reer Mudug ah, ayuu ka dhhofay Addis Ababa una bakhoolay China.

Markey is mari waayeen maamulka Puntland, waxay aqoon yahanadii China sahan ku samayeen Bulaxaar. Waxay arkeen in ay tahay meel aad ugun haboon oo ah marsad dabiici ah. Waxay leedahay khoori aad u godan oo dhulku aad u hoosayo oo ku haboon maraakiibta waaweyn ee xamuulka culus la gurguurata.

Waxa kale oo ay kaga haboon tahay Ollog iyo Daamo, u dhowaanshaha ay u dhowdahay shabakada tareenka ee isku xirta Ethiopia iyo Jabuti.

Ollg iyo Damo waxay kaga roontahay Bulaxar waa u dhowaanshaha Gwadar.

Sababaha ay China u diidan tahay deked dhisan waa la’aanta dhul banana ee tareenku keeno xamuulka uu sido iyo dhul balaaran ee la dhigo xamuulka maraakiibtu keento.

Walowba dekedda Kismayo iyo tan Muqdisha ay uga dhow yihiin Gwadar dekedaha Kenya ee Mombasa iyo Lamu, hadana magaalooyinka ayey ku dhex jiraan. Sidoo Kale Berbera iyo Bosaso way uga dhow yihiin Gwadar marsooyinka Muqdisha iyo Kismayo, hase yeeshee magaalooyin bay ku yaaliin.

Dhibta ka hor imaan karta waa heshiiska lala galay DP World ee UAE oo ah shirkad dhista dekadaha ee dawlada Imaraadka ay iska leedahay. Walowba la oranayo waa shirkad madax banana, baar madaxa shirkadda iyo madaxa maamulka Imaraadka waxay isu yihiin.

Qodobada shuruudaha la kala saxiixday waxaa ku jirta in aan deked kale laga dhisi Karin aaga Berbera.

Sidoo kale heshiiska DP world ay la gashay Puntland waxaa ku jira qodobkaas oo aan laga dhisi Karin deked kale ilaa 375 mile aaga Bosaso.

Warqadda maamuladu haystaan iyo warqadda heshiiska ee Imaraadku haysato way kala duwan yihiin. Hubso hal geel ah baa la siistaa.

Ha ilaawin in Sacuudiga iyo Imaraadku ay soo jeediyeen in Somalia iyo Jamhuuriyadda Somaliland la hoos geeyo Ethiopia.

Walaalayaal maxaa nagu diray dheg-cas. Noo diide in batrool naloo soo saarno. Meel walba naga xire. Kharaj waxay ku bixinayaan dhallin gafuur duub ah oo carqalado wada. War maxaa nala ka siiyaa?

Shaqa abuurista Dekedda Bulaar:

Furdada Bulaxaar waxay soo gelineysaa dhaqaale xoog weyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhanka tareenada waxay abuurayaan shaqooyin farabadan oo kala duwan. Dhanka kala hagidda tareenada, raridda iyo furidda gawaarida tareenada, xisaabinta kontainarada alaaboouinka ku jiraan iyo raridda maraakiibta.

Isku xiridda gawaaridda tareenada baxaya iyo kala furidda tareenada yimaada.

Shaqooyinka la xiriira raridda iyo wadida gawaarida qaada xamuulka ee meelaha dhow-dhow geeya.

Shaqooyinka warshada korontada ee furdada.

Shaqooyinka dadka u adeegaya shaqaalaha ka shaqaya dekedda sida makhaayadaha, hotelada dadka wada maraakiibta iyo tareenada iyo gawaarida xamuulka.

Shaqooyinka meheradaha ka abuurmaya dekedda ganacsiga xorta ah.

Shaqooyinka ka baxsan dekedda ee abuurmaya sida meheradaha xanaanaynta eyda, nisadaha, dammeeraha, daanyeerka iyo duur joogta loo dhoofinayo China.

Shaqooyinka ka abuurmaya soo saarida macdanta Jamhuuriyadda Somaliland sida qodida godadka molibdenka, dahabka, dheemanka, emeraldiska iyo birta qaaliga ah ee u gaarka ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba madaxda majaraha u haysa Jamhuuriyadda. Somaliland hawl weyn baa sugaysa. Waa iyaga iyo garashadood.

Colka waraf ma lagu dayey? Rag xirfad siyaasad leh ma loo diray Puntland? Heshiis dhab ah oo sinaani ku dheehan tahay ma la doonay? Jabhadaha la isku afuufayo, ujeedada laga leeyahay maxay tahay? Ma laga waayey reer Puntland madax diida jabhadaha la isku afaynayo?

Ma awoowe sarara cune baa ka ballamay in awoowe kutuba site in la xumayo oo la ximiyo?

Ma dhulos iyo Ciros baa iska qaban waayey dhuuni raacyada hadba dhan u yaacaya?

Dhulos iyo Ciroos ma isweydiiyeen dadka ay la dhaqan yihiin, dadka ay isku afka yihiin, dadka ay isku dhaqanka yihiin? Yey is guursadaan? Yey is dhaleen? Yey isku murti yihiin?

Maqaalka dambe ee soo socda baynu ku falanqayneynaa sida sheekada qabiilka la sheeganayo ay beenowday markii DNA laga qaaday dadka ka soo jeeda woqooyiga Geeks Afrika.

Markii Jabuti iyo Bulaxaar la is barbar dhigo, marsada Jabuuti oo tareenkiiba haysata way buuxdaa. Waxaa Jabuti intaa u sii dheer waxaa ka buuxa maraakiibta ciidamada salfhigga ku leh Jabuti.

Jabuti iyo Saldhigyada Ciidamada Shishaye.

Walowba ay Jabuti tahay wadan yar, hadana waxay Saldhig Ciidan u tahay France, USA, China, Saudi Arabia, Japan, UAE iyo dhowr qarsoon oo aan la sheegin.

Dalabka weli aan laga baaraan degin ee wadanka Jabuuti aanu jawaab ka bixin waxaa ka mid ah: India, South Korea iyo Australia.

Su’aashu waxay tahay: Maxay ka samaynayaan? Iran oo damacsanayd in ay ka qayb gasho saldhigyada shisheeye ee Jabuti fadhiya, siismo iska daaye, markii madaxda dufan gacmaha loo mariyey, waxay cilaaqaadka siyaasi u jareen Iran. Lacagta Sacuudiga iyo Imaaraadka way shaqaysaa, wayna hadashaa.

Badda Cas waxaa fadhiya ciidamo fara badan. Hadii kor loo xulo Badda Cas, laga bilaabo Bab El Mandab oo Suez loo socdo, waxaa jirta in Eritrea ay siisay saldhig ciidameed Iran iyo Israel iyo Masar. Maxaa neela isu muuqda isugu keenay wadana is neceb oo isu dhaaranaya.

Masar waxay la samaysatay xiriir dhaqaale, xiriir ciidamo iyo mid siyaasiba markii Ethiopia ay xirtay biyihii Blue Nile oo ay ka samaysatay biya xireen ay ka dhaliso korontada.

Masar waxay damacday in ay weerar ku qaado Ethiopia oo burburiso biya xireenka. Hase yeeshee waxay taba bartay ciidamada Eritrea oo xurgufi ka dhexaysey Ethiopia. Waxaa intaa sii dheer Sudan oo saldhigyo siisay Iran iyo Turkey.

Kenya iyo Dhibta ay ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, wadamada qaarkood wacay si sharci darro ah uga kalluumaystaan badda Khoriga Cadmeed ee u dhexaysa Yemen iyo Jamhuriyadda Somaliland iyo Puntland.

Kenya Dhibta ay ku hayso Jamhuriyadda Somaliland iyo Somalia:

Wadanka Kenya waxay ku heshay dhismaha wadooyinka gawaarida iyo kuwa tareenada waa qalalaasaha iyo xasilooni la’aanta ka oogan carriga Somalia iyo Jamhuriyadda Somaliland.

Sharciga IGAD u degsan wuxuu leeyahay in hadii wadan qalalaaso ka jiro aaney ka qayb geli Karin wadamada xadka la leh. Tusaale: Koonfurta Sudan, wadamada la jaarka ah kama qayb geli karaan nabad ilaalinta. Waxaa ku Jira Somalia iyo Djibouti. Kuma jiraan Ethiopia iyo Kenya.

Hadaba maxaa Kenya oo la leh xaduud Somaliya ku daray ciidamada sugaya nabadda Somaliya.

Waxaa intaa sii dheer, ciidamada Kenya waxay kufsadaan gabdhaha Somalida, maxkamadna lama keeno.

Heyadaha Caalamiga sida kuwa UN qaybeheeda kala duwan sida UNICEF, WHO, UNIDO, UNFPA, WFP, IFAD, FAO, UNDP iyo kuwa ciidaas ka badan waxay fadhiyaan Nairobi.

Maxay xarun uga samaysan waayeen Jamhuuriyadda Somaliland?

Kenya waxay ka kiraysaa xafiisyada iyo guryaha ay degaan, makhaayadaha ay wax ka cunaan, shaqaalaha heyadaha u shaqaya ma ha Somali ee waxay ka qaataan Kenya.

Dulliga waxaa ogolaaday madaxda Somalia ee uu hogaanka ka yahay Madax weyne H.E. Formaggio.

Walowba uu waqtigii la yiri ciidamada shisheeye way ka baxayaan Somalia, Kenya weligeed kama faaruqeyso Somalia.

Waxay oran doontaa Jubbaland baanu haysaneynaa si aanu uga dhigano xaydaan (buffer zone). Ama lacag baa talisee, waxaa codsi laga keenayaa maamulka Jubbaland oo dalbanaya in Kenya ka caawiso.

Kenya waxay rabtaa in Somalia iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay ku kiraan carqalad joogta ah oo aan weligeed dhamaan. Madaxweyne Gen. Siyaad Barre bilaash buu dagaal ugu qaaday Ethiopia. Waxaa haboonayd in uu xorayo Mooyaale iyo Marsabad.

Kenya waxay ciidamo Somali ah ku carbisaa oo ku taba bartaa galbeedka Kenya. Waxaa la yiri waxay ka mid yihiin dhallinta Al Shabab. Saddexda kooxood waxay hawl gelayaan markii ciidamada shishayuhu ka baxaan Somalia.

Waa ciidamo markii la rabo loo diri karo Djibouti, Jamhuriyadda Somaliland iyo Somalia. Foojignaada oo ka gaashan dhigta, waayo berry ma foga.

Hadii nabadi ka aslaaxdo Somaliya, China waxay dekedo ka dhisaneysaa Somaliya iyo Jamhuriyadda Somaliland.

Taasi waxay Kenya ula mid tahay “Is Gawrac”.

Waxay gaari doontaa in ay Kenya diyaarado ku soo weerarto Somalia iyo Jamhuriyadda Somaliland.

War hoy inta goori goor tahay ha la baraarugo. Intaad hoosta iska ximineysiin bal duleedka mar isha ku xuuxiya (khuukhiya).

Waxaa la yiri “Doqoni kow iyo toban (11) indhood bay leedahay. Hal il cadawgay iskaga eegtaa, tobanka kale walaalkeed bay ku fiirisaa”.

Doodu furan ee sided u aragtaan?

Qalinkii Prof. Cumar Farjac

Hurgumo@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale