Somaliya oo Cuman uga qeyb geleysa Shirka Dalxiiska Adduunka

Posted Date: 11 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Magaalada Masqad ee Dalka Cuman waxaa ka furmaya shirka caalamiga ah ee dalxiiska Adduunka kaas oo ay ka qeybgelayaan inta badan dowladaha Caalamka ee ilaha dalxiiska leh.

Dalka Soomaaliya SHirkan waxaa ku matalaya Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo lataliyahiisa dhinaca dalxiiska.

Shirkan ayaa waxaa qabanaya Hay’adda Dalxiiska Adduunka Qaramada Midoobey ee (UNWTO) iyo Hay’adda UNESCO.
Wafddiga ka socda Soomaaliya waxaa Magaalada Masqad ku qaabilay danjiraha Soomaaliya ee Cumaan , Abdirizak Farah Ali Taano iyo wakiillo ka tirsan Hay’adda Dalxiiska Caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale