Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Garowe soo Gaaray

Posted Date: 11 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xusseen(Gorod) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland.

Taliyaha iyo Wefdigiisan waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere),hoggaanka ciidamada Daraawiishta.

Maalinta Barri ah ayaa lagu waddaa inay Saraakiishan booqdaan Xeradda 54 aad ee duleedka waqooyi ee caasimadda Puntland Garoowe halkaasi oo ay u tagayaan ciidamo dhawaan lagu wareejiyey dawlada federalka Soomaaliya kuwaas oo tiradoodu ay gaarayso 2,400 Askari.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa socdaa;lkan waxaa ku weheliyey Saraakiil kale oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale