Taliyihii Qeybta 12 April iyo Abaanduulaha oo lagu dilay Qarax Miino duleedka Muqdisho

Posted Date: 06 Dec 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka Xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad(Cumar Dheere) lagu dilay qarax miino.

Wararku waxay sheegeen in qarax miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koonfurta Muqdisho kolonyo uu la socday Taliyaha.

Taliyaha iyo kolonyadiisa ayaa kasoo laabtay deegaanka Dhanaani oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale Taliyaha ,waxaa la geeriyooday illaa 8 askari oo kale.

Jen. Cumar Dheere ayaa dowladii KMG ahayd Wasiir Kuxigeen iyo Xildhibaan kasoo noqday,wuxuu kamid ahaa saraakiishiu hore ee Ciidanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7