Taliyihii Saldhigga Suuqa Gaalkacyo oo lagu dilay Qarax loogu xiray Gaarigiisa

Posted Date: 06 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Taliyihii Suuqa Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali(Cali Magafe) ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaaladaas.

Wararku waxay sheegayaan in gaariga taliyaha uu ku qarxay dhabarka dambe ee Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

Qarax kaddib ciidamo ka socda Puntland ayaa goobta gaaray,iyadoona markii hore dhaawac ahaan loo qaaday taliyaha balse markii dambe uu dhintay.

Ciidamada ammaanka ayaa qeybo badan oo kamid ah kawada howlgallo amniga lagu sugayo.

Allidamaale