Tirinta codadka doorashadii baarlamaaniga ahayd ee Itoobiya oo ka socota dalkaas

Posted Date: 25 May 2015   in: news,World     0 Comments

Maallinimadii axada ee 24 may 2015 waxaa dalka itoobiya ka furmatay cod baxin lagu soo dooranayo baarlamaanka dalkaas kaasi oo loo tartamayey xildhibaanada heer federal iyo heer gobeleed, ma jidho wax rabshaa oo dhacday xilligii doorashadu socotay waxaana xarumaha badankood la xiray maanta oo isniina galinkii horre, waxaana hadda socota tirinta codadkii la dhiibtay.

Doorashadaan ayaa waxaa isku diiwaan galiyey in ay codkooda dhiiban doonaan dad gaaraya 36.8 milyan, guddiga doorashooyinku sida ay sheegeena waxaa codkoodii dhiibtay 80% dadkaas, waxaana la rajaynayaa in guul weyn ka gaaro xisbiga talada dalkaas haya Ethiopian Peoples Revolutionary Democratic front(EPRDF)  kaasi oo  ilaa sanadkii 1991 dalkaas xukumayey, waxayna ku soo aadamaysaa doorashadaan markii ugu horraysay oo laga qabta doorasho dalkaas tan iyo intii uu geeryooday raysal wasaarahii dalkaas ee Mala Zanawi.

Xildhinaada heerka fedraal loo doorto ayaa waxay soo dooran doonaan raysal wasaaraha dalkaas, halka kuwa heer Dowlad gobeleed loo doortona waxay soo dooran doonaan madaxweynayaasha dowlad deegaanada, waxaana jidha dhaliilo ay soo jeedinayaan mucaaradka dalkaas taasi oo ah in marin habaabin lagu samaynayo doorashada Dalkaas, halka saxaafada caburin xoog leh lagu hayo.Dhanka kale waxaa jidha in doorashadaan aan lagu casumin kormeerayaal caalamiya oo ka socda reer galbeedka. Itoobiya oo ah dowladda ugu taagta roon dowladda geeska Africa ayaa waxay caan ku tahay xirxirnaan siyaasadeed iyo xanibaad lagu hayo shacabka dhanka xorriyadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7